Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Jacbur

Recommended Posts

Denmark ayaa tagay, anoo meel iska fadhiyo waxba galabsan 'tag!' la i yiri. Oo maxaa ku tagaa iri, war 'tag' laguma dhihinee 'tak' lagu yiri la i yiri. Koow.

 

Waaka sii socday, Holland ayaa dalaq dhahay. Galab anigoo jidka kula socdo gabar yar oo aan abti u ahay oo magaceeda la yiraahdo Luul ayaa iga oroday. Intaa ka naxay jidka dhexdiisa ay ku ordeyso ayaa magaceeda kor ugu qeyliye, "LuuL!" Wixii Dutchka ahaa oo jidka wada socday hal mar isoo wada fiiriyeen. Anigiina iyaga la yaabanahay waxee fiirinayaan. Markii dambe la ii sheegay in 'lul' afkooda wax kale oo halkaan lagu sheegi karin loo yaqaano. Waa tahay.

 

Waa hagaag. Halkaas iyo Indonesia ayaa qabtay. Waa dhowr iyo toban sano kahor. Mar aan daawanaaye idaacadooda ayaa waxaa ka maqlaaye madaxweynihii weynaa (Rabiyaa weynee) oo sheekha wadaadka weynka ahaa loo lagu naaneesaayo Gusdiir. Madaxweyne Gusdiir ayuu ku haaye qofkii idaacadda tabinaaye. Bisinka. War ninka soo sheekh ma ahayn ayaa weydiiye. Haa la yiri, laakiin naaneystiisa saas ah. Hayeba.

__________________

 

Sheekooyinkaan jacburiska ah anigaa iska aliftay, ku dara waxaa heysiin oo ereyo Afsoomaali micno gooni noo leh isla ereyadaasna laga helaayo afaf kale oo micno ka duwan kuweena leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Of the three nations I listed, I had been to Denmark inside and Holland -- just transparent muraayad noo dhaceysay banaanka Holland iyo aniga. So it is half way if it is counted.

 

Adiga intee tagtay aan aragnee inaa tahay waaya arag iyo...

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

lol was born in Denmark, when was that, 1996

 

lool waaya arag u tahey, igaarka xaa ugu qarinee waaya aragnimo kala dheeree,

 

 

horror stories from Denmark told by people who fled there after ay sharciga weynaa ka qaatey, waaba axmaqiin those Danish if those stories are true, well half of Leicester can't lie soo ma ahan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abaaydey and her family degan. But ma arkin iyadoo Denmark wax ka sheegeyso. The only reason Leicester ugu soo guureen waxee dhaheen iyada iyo duqeeda caruurta Quraan noo baranaayo. They still use their Dane baasabooro and go back there almost every other summer.

 

Anoo Aarhus dhex socdo ayaa waxaa ku arkay Maryan Mursal qaxweyneyso with jaamacyaal kale in 2003. Waxaa isleeyahay islaantaan intee ku arki jirtay. Qofna ma weydiinin gadaal aniga lee iska gartay inay Maryan ahayd.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;803558 wrote:
Now,
aad iyo aad
ayaa waayo arag u tahay.

 

Waligaa Aarhus ma tagtay? That is the only magaalo aan ka arkay Denmark. Wait a minute, can Herning considered a magaalo since it too aan tagay? it is a town close to Aarhus.

Yeah I've been to Aarhus, not Herning though, but it is considered a city, I think population is a bit above 40,000.

 

@Nuune, it was 1992, and Denmark is a great country when raising kids, but when they reach their teen years, people come to the UK, for education and work mostly, the same with my family.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Early in 1992 Afgooye ayaa u qaxnay waa xasuustaa. Calool xanuunkii iigu xumaa igu dhacay. Ileen biyo wabi cab rafaad ahaa. Not only me, but walaalahey kuwa iga yar yar too. Biyo kale la cabaayo maleh, ciyaalna waa nahnay oo kuwa la karkariyo maaka gaarnaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

1992, waa ku daahdeen Xamar, laakin Afgooye jidkii dheeraa maa ku soo dhacdeen oosan leexad laheen, mise Balad Amiin aa ku leexateen as we did anaga in 1991, Bile Rafle beera uu lahaa aa ku taaley Balad Amiin, halkaas aan xoogaa joogney waxeyba aheyd Jannadii meeshan, waxa qudaar kala nooc iyo adduunyo, laakin sadly, habeenimo ka soo cararney markee sheekada sii hallaawdey oo naloogu imaan rabo meesha siteey aan wadaney oo Ilaah iska watey jidkii dheeraa leen soo qaadaney anaka maa istaagney illaa Kismaayo except Qoryooleey iyo Jilib oon dhowr maalmood joogney, Balad Amiin kuwii na diidey iney habeenkaa na soo raacaan subaxdii aa la faquuqsadey xabbadna kama harin wixii dumarna xamar loo kaxeestey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xamar ayaa ku noqonay. Abriil 1992 markee dagaalada istaageen Xamar ku noqonay. We lived Jiiro Maskiin agteeda, very close to Siliga Mareykanka for a few months. Then we moved to Taleex until Oktoobar of that year aan kasoo dhoofnay. Markaas diyaarihii African Airways bilaabatay dadkii u horeeye soo raacnay ahayd. Jomo Kenyaati naga soo dajisay. Wax walba iftiin, balaayo balaayo.Laba sano koronto iyo TV midba lama arag, I think CNN ka shidnaa garoonkana, wax walba cuseeb nagu noqdeen. Balidoogle kasoo dhoofnay.

 

Habaryarteen iyo qaraabo kale oo bas Xamar kaga soo baxday oo dhanka Kismaayo iyo Libooyo soo aadeysay weyba yaabtay markee markee maqashay inay reerka Nayroobi kaga hormareen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this