Xaaji Xunjuf Posted March 13, 2012 Beesha Maakhir Oo Caddeysay In Khaatumo State Aysan Maamulin Gobolka Sanaag (BAYAAN) Posted by Pi G 2 on March 13th, 2012 BAYAAN MUQADISHO Shir ay si wada jir ah ugu yeesheen beesha Maakhir magaala madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho waxay ka soo saareen. Ka dib markaan aragnay tixgelinayna baahida loo qabo midnimada iyo isku duubnida Soomaaliya, Ka dib lafa gur dheer oo aan ku samaynay hubinta deegaanka ay khaatumo ka sheegato Sanaag isla markaana aan isla af garanay in aysan beeshaasu mug iyo deegaan ay ku sheegan karto gobolka ayan ku lahayn. Ka dib markaan aragnay tixgelin la,aanta loo geysto dadka gobolkaas degan oo iyagu taageersan kana mid ah maamulka Puntland ee Soomaaliyeed. ka dib aqoonsi si khaldan uga soo baxay xafiiska Madaxweynaha oo ujeeddadisu ahayd taageero iyo ictiraaf la siiyo maamulka la magac baxay khaatumo iyo wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya lagu saxayo lagagana noqonayo kala goynta iyo iska horkeenida dadyowga wallaalaha ah. haddaba Waxa ay beeshu isku raacday qodabadan. 1: In la taageero warqaddii ku taariikhaysnayd 09/03 kana soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ujeeddadeeduna ahayd in aan la ictiraafin maamulka la baxay khaatumo. 2:Iin laga shaqeeyo sidii loo soo celin lahaa Soomaali wayn isla markaana laga hortago cid kasta oo u soo dhar dhigata kala jarjarka dalka. 3: In ay beeshu diyaar u tahay ka qayb qaadashada soo celinta Soomaaliya iyada oo ay beeshu ku caan tahay nabad ka shaqaynta iyo xeerinta deris wanaaga. 4: Waxay beeshu ku boorinaysaa Madaxwaynaha TFG in uu ka fiirsado wareegtooyinka sida indho la,aanta ah xafiiskiisa uga soo baxa. 5: waxa ay beeshu si gaar ah iyo si guudba u faraysa madaxda iyo masuuliyinta u metela dawlada dhexe in ka bixiyaan jawaabta ku aadan falalka noocan oo kale ah iyada oo hadda aan ku tuhunsanahay xil gudasha la’aan baahsan. 6: waxa aan si gaar ah wallaalahayaga deegaanka sool iyo cayn usoo jeedinaynaa in ay ka waantoobaan isla markaana ka tanaasulaan sheegashada gobolka sanaag iyada oo aan tiro ka dhawr jeer si guud iyo si gaaraba ugu sheegnay hase ahaate ay wallalahaya noo muujiyeen dhego adayg ay ka muuqato dhul durugsi iyo duudsiin deegaan beeleed. 7: waxaan mar kale taageeraynaa bayaankii ka soo baxay xafiiska raisul wasaaraha somaliya sidoo kale waxaan ka codsanaynaa madaxweynaha in uu raali gelin buuxda ka bixiyo khaladaadkii ka dhaca xafiiska uu gar wadeenka ka yahay kana kaaftoomo u dhega nuglaanta shakhsiyaadka gaarka ah ee ka tirsan ururka aala sheikh kana soo jeeda gobolka Sool. 8:waxaan madaxwaynaha usoo jeedinaynaa in uu dhawro axdiga kumeel gaarka ah sidoo kalena ilaaliyo xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhexaya dawlada dhexe iyo dawlada goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed. MAHADSANIDIIN Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted March 13, 2012 LOL, bayaano badanaa kuwan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted March 13, 2012 War xun ma aha - maadaama ay Sanaag qaybta ugu badan degaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted March 13, 2012 Somalina;803394 wrote: LOL, bayaano badanaa kuwan. Somalina; Bayaannada cidaha iyaga ma iska indho tirtaa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted March 13, 2012 Taleexi;803396 wrote: Somalina; Bayaannada cidaha iyaga ma iska indho tirtaa Cidaha ma Khatumo ayey ku daba xirtaan? sheekada ayaad badaleysaa, laakiin waa kaa diidey. Maxaad ka tiri topic-kan? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted March 13, 2012 Anigu qof ahaan sheekadan waa soo dhoweynayaa ... in laga wada hadlona wax xun ma aha... Anyways, my long term goal is the unification of Khaatumo and Maakhir. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted March 13, 2012 Sheeko, so PL hogaamiyahooda markuu Khatumo ka hadlo waad xagxagataan laakiin odayaashooda markey isla sidiisa u hadlaan waad aamustaan miyaa, calaashaan waa jufo kale oo aadan rabin inaad wax ka sheegtaan? waan fahmey. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted March 13, 2012 It is all munaafaqnimo yaa Somalina. Additionally, Farole has nothing to do with Khaatumo any more except KH and PL be a good, neighborly regional states. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted March 13, 2012 Oodweyne;803412 wrote: ^^ :D You are learning fast in here; particularly, the contradictory stances of our teeming "Khatumo-Seeg" folks,.. Oo adigu Khaatumo ma deyn baad ku leedahay? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted March 13, 2012 Wixii munaafaqnimo ah tooshka ku ifi saaxiib... bal tiina ka waran aad labaatanka sano subkayseen, way duushay qabiilo kala duwan baa ka tirsan, waanu go'aynaa ... war bahasha wada sheeg ama naga daa selective justice .. don't cherry pick your stands ... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 13, 2012 Taleexi maskaxdisa hada waxa ka guuxaysa kooxdi yarayd eeh laasqoray degeneyd eeh budhlayn ku dhibtay galgala. Bal maxay nugu haystaan anaga ba la tol ah la degaan ah maxay wax noola khaatumeyn wayeen balaya kaluun la cunta duulka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted March 13, 2012 Waryaa, oday Xaaji ... reer Maakhir waxba islama diidanin .... ha naga dhex shaqayn.... Oodweyne: Miyaad Somalina jeclaatay? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted March 13, 2012 Taleexi;803411 wrote: It is all munaafaqnimo yaa Somalina. Additionally, Farole has nothing to do with Khaatumo any more except KH and PL be a good, neighborly regional states. Farole keliya ma ahan, the members ku abtirsada Faroole ee halkan jooga ayaad weerartaan xataa. Waryaa Ood, magacaas Ngonge keliya ayaa u fasaxan. Taleexa, sheekadiisa waa iska cadahay, inaan u sheego ayaan doonaayey keliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 13, 2012 Members ku abtirsada faroole LMAO:D:D Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted March 13, 2012 Xaaji Xunjuf;803425 wrote: Members ku abtirsada faroole LMAO:D:D :D Taleexi I meant. Quote Share this post Link to post Share on other sites