Liibaan Posted March 13, 2012 Wasiirka Maaliyada Khaatumo Iyo Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Oo Booqday Jiida Hore Ee Aaga Tukaraq SSCNEWS.COM Weftigan uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda ee Maamulka Khaatumo State Cismaan Axmed Jaamac oo ay ka mid ahaayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyada Mawliid Muuse Faarax , iyo Wasiir ku xigeen Wasaaradda Arrimaha Bulshada Cabdi Fataax Cismaan Dhalac ayaa ka hor intii aanay gaadhin Jiida hore ee ay kusuganyihiin Ciidamada Maamulka Khaatumo waxa ay soo booqdeen Tuulada Tukaraq. Ujeedada weftiga Wasiirada maamulka Khaatumo ay ku marayaan Deegaano hoos yimaada Goboladda Sool Sanaag iyo Cayn ayaa ah ukuur gelida xaalada nololeed ee Bulshada ku dhaqan deegaanada uu ka taliyo Maamulka Khaatumo, iyo sidii loo baahin lahaa Maamulka Khaatumo State. Jiida hore ee ciidamada Maamulka Khaatumo ayaa weftiga uu hor kacayo Wasiirka Maaliyada Cismaan Axmed Jaamac waxa uu warbixino kaga dhegeystay Saraakiisha iyo Saraakiil xigeenada Ciidanka Maamulka Khaatumo ee kulaalaya Magaalada Laascaanood. Wasiirka Maaliyadda iyo weftiga uu Hogaaminayo ayaa la filayaa iney maalmaha fooda inagu soo haya booqdaan Deegaano badan oo hoos yimaada Maamul Goboleedka Khaatumo. Waashabakada Wararka SSCNEWS Quote Share this post Link to post Share on other sites