Sign in to follow this  
kingofkings

12th Conference on security policy opens in Mogadishu

Recommended Posts

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Shirkii 12-aad ee Guddiga Wadajirka Amniga oo ay wada shir-guddoominayeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Ambassador Augustine Mahiga iyo Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika, Ambassador Wafula.

 

Shirkan Guddiga Wadajirka Amniga ayaa maanta iyo berri ka dhici doono magaalada Muqdisho oo maanta ay kulmayaan Soomaalida oo kaliya, halka lagu wado in berry ay beesha caalamka ku soo biiri doonaan. Waxaana maanta shirka goob joog ahaa wasiiro masùuliyiinta ciidanka militariga iyo booliiska, xubno ka socday Galmudug iyo Ahlu Sunna Wal-Jameeca iyo masùuliyiin kale.

 

Shirka maanta ayaa waxaa khudbado ka jeediyey Raìisul Wasaaraha Soomaaliya, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM iyo wakiilka Midowga Afrika.

 

Raìisul Wasaaraha ayaa ka codsaday ka soo qeybgalayaasha in si aad ah loo gorfeeyo arrimaha amniga, gaar ahaan baahiyaha jira ee ciidamada militariga iyo booliska oo uu sheegay in loo baahanyahay in beesha caalamku ay haqab tirto baahiyaha jira si ciidanka Soomaaliyeed uu u soo celiyo amnigii iyo kala danbeyntii. Waxuuna xusay in ciidanka si ay ula dagaalaan Al-Shabaab loo baahanyahay inay heystaan dhammaan tasiilaadkii loo baahnaa iyo in dib-u-dhiska hayàdaha amniga la sii xoojiyo.

 

Maalinta burrito ah ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo shirkan waxaana la filayaa in warbaahinta loo soo gudbiyo go’aanada shirka iyo muhiimada lagu gorfeeyey.

 

IMG_1880.jpg

IMG_1882.jpg

IMG_1884.jpg

IMG_1887.jpg

IMG_1871.jpg

IMG_1873.jpg

IMG_1876.jpg

IMG_1877.jpg

IMG_1878.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this