Dr_Osman Posted March 12, 2012 Madaxweynaha Puntland oo Qardho maanta gaarey 12 Mar 12, 2012 - 3:22:02 AM GAROWE ONLINE Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaarey degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar,waxana si weyn loogu soo dhaweeyey halkaasi oo ay ka qayb-qaateen masuuliyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Qardho. Dhex-dhexaadinta laba beelood oo walaala ah ayuu ku sheegey madaxeynaha Puntland socdaalkiisan ujeedadiisa iyo u kuurgelida xaalada guud ee gobolka. Socdaalka Qardho ayaa waxa ku weheliyey madaxweynaha wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose GEn.Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilkajir ,kuxigeenka Cali Yuusuf Cali Xoosh ,taliyaha ciidamada difaacada Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi ,taliyaha ciidamada booliska iyo asluubta Puntland Col. Maxamed Siciid Jaqanaf iyo kuxigeenka agaasimaha madaxtoyada Axmed Caydiid. Waxa uu booqdey Dr.Cabdiraxman Maxamed goobo muhiim ah oo Qardho ku yaal sida Ceelasha biyaha ,Saldhiga Booliska , aqalka martida iyo xabsiga oo labaduba socoto hawsha dhimsamahooda iyo weliba kuleejka gabdhaha. Madaxweynaha waxa uu intaasi ka dib hadal kooban saxaafada siiyey oo uu ku sheegey in laba boolood oo horey u wada-dagaalamay haddana hub isku aruursanaya ay dhexgali doonaan islamarkaasina doonayaan inay demiyaan dabka colaadeed. Kulan ayuu sheegey galabta inuu dhexmari doonaan dowladda iyo madaxda dhaqanka gobolka Karkaar oo ay kaga hadlayaan qaabka fitnadan looga hortagi lahaa. Dhamaadkii sanadkii 2011 ayay markii madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ugu danbeysey Qardho.oo uu xiligaasi uga sii gudbey dhanka Bossaso xarunta Bari. Si rasmi ah looma shaacin mudda uu Dr.Farole ku sugnaan doono Qardho waxana wararkayaga danbey idiinkusoo gudbineysaa faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan kulamada uu Qardho la qaato maamulka iyo odayaasha. Halkan ka dhageyso codka madaxweynaha Puntland Qardho saaka ka hadlay http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Madaxweynaha_Puntland_oo_Qardho_maanta_gaarey.shtml Quote Share this post Link to post Share on other sites
kingofkings Posted March 12, 2012 Somalia;802783 wrote: Swag :cool::cool::cool::cool::cool::cool::cool::cool::cool: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted March 12, 2012 Quick question Dr Osman, what's the title of Farole's doctoral thesis? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 12, 2012 Somalina;802843 wrote: Quick question Dr Osman, what's the title of Farole's doctoral thesis? The same as osmans:D Quote Share this post Link to post Share on other sites
walaalkis Posted March 12, 2012 carafaat. lol Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted March 12, 2012 Somalina;802843 wrote: Quick question Dr Osman, what's the title of Farole's doctoral thesis? Did he write one? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted March 12, 2012 Adiga dadka movie ga markey daawadaan kadibna dhaha 'atooraha muxuu u diley kaabo laadarka' aad ka mid tahay miyaa? Cinwaanka aqri kadibna wax fahan yaah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted March 12, 2012 ahhahaha .... waad iga gashatay. Dr. Farole ... Doctor-nimadii bililiqo xun baa ku socota. Quote Share this post Link to post Share on other sites