Sign in to follow this  
kingofkings

President Faroole in Qardo

Recommended Posts

Waxaa goor dhow degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar soo gaarey wefdi heer sare ah oo uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole).

 

Wefdiga madaxweynaha oo ay ku jiraan xubno ka tirsan goleyaasha dowladda ayaa waxaa duleedka Qardho kaga hortegey kumanaan dadweyne ah iyo maamulka degmada oo si diiran usoo dhoweeyey.

 

Koox weriyeyaal ah oo ka tirsan warbaahinta Horseed Media oo la socda kolonyo gaadiid ah oo wefdigan lagu soo dhoweeyey ayaa kusoo waramaya in madaxweynuhu uu ku degi doono Hotel Alla aamin halkaasna la filayo inuu ka khudbadeeyo.

 

Booqashada uu Dr. Faroole degmada Qardho kusoo gaarey oo ahayd mid kedis ah ayaan ilaa iyo hadda si cad loo ogeyn ujeedada ka danbeysa, waxaase la hubaa in uu maamulka, waxgaradka, iyo dhamaan qaybaha bulshada ee degmada Qardho kulan dheer la qaadan doono.

 

Waa markii ugu horeysey oo uu madaxweynaha Puntland booqasho rasmi ah ku tago degmada Qardho intii lagu guda jirey sanadka 2012, waxayna ahayd markii ugu danbeysey ee uu Qardho soo gaarey bishii 12-aad ee sanadkii hore xiligaasoo uu madaxweynuhu horkacayey wefdigii Ra’iisul wasaare Gaas.

 

Khudbadaha mas’uuliyiinta iyo sawiradaba Horseed Media saacadaha soo fool leh ayey idiin soo gudbin doontaa.

 

Faroole-Faroole-Faroole-282x300.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday oo Qardho soo Gaaray

http://www.puntlander.com/?p=9092

 

Qaban qaabo xoogan oo loogu jiro soo dhoweynta madaxweynaha xiligisii dhamaaday iyo wefdigiisa ayaa ka socota degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

 

 

 

Dhinaca kale ammaanka degmada Qardho ayaa saaka ah mid si aad ah loo adkeeyey waxaana jidadka waaweyn iyo wadooyinka yar yar ee xaafadaha dhex mara lagu arki karaa ciidamada Booliska oo amaanka sugaya.

 

Madaxweyne Faroole inta uu Qardho ku sugan yahay wuxuu kulamo la qaadan doonaa Maamulka degmada, waxgaradka, iyo dhamaan qaybaha bulshada.

 

Booqashada madaxweynaha Puntland uu degmada Qardho kusoo gaarayo ayaa ahayd mid aan horay loo shaacin.

 

Waxaana la filyaa in beelwynta q kala hadalo sidii xal looga gaari lahaa cabdulaahi sicd samantar oo xiligaan u tagaan xilka madaxweynaha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland President Abdirahman Mohamed Mahamud ‘Faroole’ is reported to have just entered the town of Qardho in Puntland’s Karkaar province. Qardho, home to about 40,000 people, is the capital and largest city of Karkaar province and the main trading hub for the highly-prospective Dharoor valley basin, recently said to have a working petroleum system.

 

 

Faroole’s visit to this key town, the fourth largest settlement in Puntland, is his first this year. With Faroole are high ranking members of his administration. Thousands of locals came out to greet the leader, followed by convoys belonging to the press.

 

All of the small towns dotting the highway between Qardho and Puntland’s capital Garowe were beefed up with checkpoints and other security parameters. Puntland leaders usually split their time between the capital Garowe and the main port city Bosaso, making this visit to Qardho not only surprising, but also telling of the shift in priority for the state.

 

It isn’t exactly known why Faroole is visiting the town, but our correspondent in Karkaar province will have updates throughout the day covering the leader’s address.

 

DissidentNation

Share this post


Link to post
Share on other sites

Carafaat;802673 wrote:
Seems his time in office is up. He has no right to speak anymore

it's not up to you or your snm enclave to decide the future of President Faroole. If Faroole wants reelection, i will vote for him again. The only capable leader in my opinion to deal with the rest of whatever you want to call them in Somalia. That includes your enclave as well. Guul and Gobonimo to President Faroole.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madexweynaha Dawlada Puntland Mudane C/raxmaan Sheikh Maxamed Maxamud Faroole ayaa goor dhaw gaary degmada Qardho ee Gobolka Karkaar.

 

Wafdiga Madexweynaha dawlada Puntland oo isla maanta ka soo ambabaxay magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa waxaa duleedka magaalada si heer sare ah ugu dhaweeyay Maamulka Gobolka Karkaar, kan degmada Qardho iyo dadweyne aad u farabadan oo intooda badan luxayay Calamada Soomaaliya iyo midka Puntland, kuna dhawaaqayay erayo aad u wanaagsan oo ay uga qayb qaadanayaan soo dhawaynta Madexweynaha.

 

Wafdiga Madexweynaha Puntland oo ay ka mid ahaayeen xubno ka mid ah labada gole ee dawlada puntland iyo saraakiisha Ciidamada ayaa duleedka magaalada kula hadlay dadweynihii soo dhawaynta wanaagsan u muujiyay, waxaana la filayaa saacadaha soo socda in wafdiga madexweynuhu ay kulamo la qaataan madexda maamulka gobolka, kan degmada, waxgaradka qaybihiisa kala duwan iyo xubno matali doona ururada bulshada ee gobolkaasi Karkaar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaarey degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar,waxana si weyn loogu soo dhaweeyey halkaasi oo ay ka qayb-qaateen masuuliyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Qardho.

 

Dhex-dhexaadinta laba beelood oo walaala ah ayuu ku sheegey madaxeynaha Puntland socdaalkiisan ujeedadiisa iyo u kuurgelida xaalada guud ee gobolka.

 

Waxa uu booqdey Dr.Cabdiraxman Maxamed goobo muhiim ah oo Qardho ku yaal sida Ceelasha biyaha ,Saldhiga Booliska , aqalka martida iyo xabsiga oo labaduba socoto hawsha dhimsamahooda iyo weliba kuleejka gabdhaha.

 

Madaxweynaha waxa uu intaasi ka dib hadal kooban saxaafada siiyey oo uu ku sheegey in laba boolood oo horey u wada-dagaalamay haddana hub isku aruursanaya ay dhexgali doonaan islamarkaasina doonayaan inay demiyaan dabka colaadeed.

 

Kulan ayuu sheegey galabta inuu dhexmari doonaan dowladda iyo madaxda dhaqanka gobolka Karkaar oo ay kaga hadlayaan qaabka fitnadan looga hortagi lahaa.

 

Dhamaadkii sanadkii 2011 ayay markii madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ugu danbeysey Qardho.oo uu xiligaasi uga sii gudbey dhanka Bossaso xarunta Bari.

 

Si rasmi ah looma shaacin mudda uu Dr.Farole ku sugnaan doono Qardho waxana wararkayaga danbey idiinkusoo gudbineysaa faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan kulamada uu Qardho la qaato maamulka iyo odayaasha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this