Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Parliament To Officially Open April 15 To Mark The Beginning Of Democracy In Puntland

Recommended Posts

Dr_Osman   

GAROOWE : Hoolkii lagu ansxiin lahaa Dastuurka Puntland oo degdeg loo dhamaystirayo (Sawiro)

March 11, 2012 12:08 pm GMT - Written by Editor - Edited by Yusuf

Print

 

 

Garoowe:-Puntlandpost, ayaa maanta booqatay Hoolka wayn ee dhismuhu ku socdo ee ku dhexyaal xarunta Golaha Wakiiladda Puntland, kaas oo la balaarshay oo si wanaagsan oo casri ahna loo dhisayo, waxaana iminka ka socota shaqo ballaaran oo la doonayo in degdeg lagu dhamaystiro si loogu qabto ansixinta Dastuurka Puntland oo la iclaanshay in ay ay dhacayso 15-ka April.

 

 

Xoghayaha Golaha Wakiiladda PL Mr. Ismaaciil Maxamuud Warsame oo dhextaagan dhismaha Hoolka Golaha Wakiilada

h2-450x342.jpg

 

Xoghayaha Golaha Wakiilada Mr. Ismaaciil Maxamuud Warsame oo aan hoolka dhexdiisa kula sheekaystay ayaa waxa uu ii sheegay in hoolkan uu ka kooban yahay qaybo badan oo ay ka mid yihiin qaybta, Xubnaha Golaha Wakiiladda, qaybta Xukuumada, qaybta martisharafta iyo Qaybta Saxaafadda, waxaana uu sheegay in uu qaadayo in ka badan 5OO oo qof.

 

Xoghayahu, waxa uu sheegay in gabi ahaantiisba ay Dawladda Puntland ay dhisayso Hoolka oo dhaqaalaha ku baxaya ay iyadu bixinayso, waxaana uu sheegay in la dhamaystiri doono ka hor 15-ka Apriil si loogu qabto ansixinta Dastuurka.

 

Shaqaale Bangaaladhaysh ah oo ka tirsan Shirkada Dhismaha Mubaarak

h21-450x342.jpg

 

Eng. Cabdiqaadir Xaji Xirsi oo ah maamulaha Shirkada Mubaarak ee dhisaysa Hoolkan ayaa waxa uu sheegay in uu dhamaystirayo mudada Dawladdu iclaamisay in lagu qabto doorashada Dasturka ka hor, waxaana uu sheegay in uu keenay shaqaale shisheeye ah oo aqoon u leh hirgalinta dhismayaasha casriga ah.

 

Dhismaha Wajiga hore ee Hoolka Shirarka Golaha Wakiilada Puntland

h3-450x342.jpg

 

Dishmaha Hoolka Shirarka ee Golaha Wakiilada ee lagu wado in Dastuurka lagu ansixiyo 15-ka April

h11-450x342.jpg

 

Dhanka kale, war hoose oo Puntlandpost heshay ayaa sheegaya in hay’adda Interpeace oo Puntland ka caawisa arimaha Doorashooyinka ay keentay Teendho aad u wayn oo lagu qaban doono ansixinta Dastuurka, iyada oo ay ugu wacan tahay in laga cabsi qabay in uu dhammaan waayo Hoolku.

 

M-waynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa xalay ku dhawaaqay in 15-ka April la isku keeni doono 48o Ergay kuwaas oo ansixin doona Dastuurka Puntland.

 

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this