Sign in to follow this  
kingofkings

Puntland Health Ministry Vaccination Programme (Pictures)

Recommended Posts

Garoowe:-Xarunta Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa maanta lagu qabtay xaflad lagu furay maalmaha talaalka waxaana ka soo qayb-galay masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo uu ka mid yahay M-.kuxigeenka Puntland.

 

M-waynaha Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Wasaaraddu ay bilowdo talaalka, waxaana uu sheegay in uu yahay mid loo baahan yahay in cuduradan laga hortago.

 

Waxa uu ammaan u jeediyay Wasaaradda Caafimaadka oo uu ku sheegay in ay ka mid tahay hormuudka Wasaaradaha Puntland, waxaana uu ku dhiiriyay ina y sii wadaan shaqada muhiimka ah ee ay Ummadda u hayaan.

 

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Cali Warsame ayaa waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in madax sare oo uu ka mid yahay M-waynekuxigeenku kala soo qaybgalo maalmaha talaalka, waxaana uu sheegay in ay qabtaan hawlo badan oo dhanka caafimaadka ah.

 

Wasiirku, waxa uu sheegay in ay qayb ka tahay shaqada Wasaaradda qabato maalmaha talaalka caruurta hase ahaatee, ay badan tahay shaqooyinka joogtada ah ee ay Ummadda u hayaan.

 

Maalmaha talaalka caruurta ayaa sanadle ah, waxaana caruurta da’doodu ka hoosayso laga talaalaa cuduro ay ka mid yihiin Jadeecada, Teetanada iyo Qiixdheerta.

 

DSC00218.JPG

DSC00213.JPG

DSC00138.JPG

DSC00145.JPG

DSC00158.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Garowe:shalay waxaa guud ahaan Gobalada iyo degmooyinka Puntland laga wada daahfuray Ololaha Talaalka Maalmaha Caafimaadka Caruurta iyo Hooyooyinka Dhaqmaadka ah. Xaflado balbalaaran ayaa ka dhacay magaalooyinka Puntland iyadoo ay ugu mug weynayd xafladii ka dhacday xarunta Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo kasoo qaybgaleen Madaxwayne ku xigeenka Puntland Gen. C/samad Cali Shire, Madaxda Wasaaradda Caafimaadka, Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Puntland, Dhakhaatiir iyo hay’addaha WHO iyo UNICEF oo barnaamijkan ka caawiya Wasaaradda Caafimaadka Puntland isla markaasna doorkoodu uu sareeyo.

 

Marwalba oo ay dad muslimiin ahi goob isugu yimaadaan waxaa shuruud ah in lagu furto quraanka kariimka iyo is xasuusinta cabsida Eebe Weyne, Xaflada waxaa quraanka ku furay Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ah hormuudka Jaamacadda Bariga Afrika ee Garowe. Shiikhu waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay munaasibada isagoo ku booriyey shacabka Puntland inay talaalka siiyaan dadka loogu talagalay ayna tahay wax waajib ah in laga shaqeeyo caafimaadka bulshada si ay uga badbaadaan khataraha cudurada wax looga hortago leh (Talaal looga hortagi karo), Wasaaradda Caafimaadka ayaa shiikhu u duceeyey isagoo sheegay in raali laga wada yahay shaqada balaaran ee ay umadda u hayaan.

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. C/risaq Xirsi Xassan ayaa isaguna ka hadlay faa’idooyinka talaalka ku jira oo uu sheegay inay yihiin kuwo waaweyn kutalagalkooduna yahay in cudurada looga hortago, cudurada dilaaga ah ee laga hortagi karo. Waxaa talaalka ku lamaan veetamiino, kaniinka gooryaandilaha iyo biyo sifeeyaha kuwaas oo dhamaantood wax weyn ka gaysanaya caafimaadka ilmaha 5-ta sano ka yar. Sidoo kale dumarka dhaqmaadka ah ayaa laga talaalayaa sida agaasimuhu sheegay teetanada oo laga hortagayo dumarka dhaqmaadka ah waxay da’doodu u dhaxaysaa 15-49 sano.

 

Hay’addaha sida doorka weyn uga qaybqaata barnaamijkan Talaalka waxay kala yihiin hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO iyo UNICEF waxaana ay labada wakiil ee ka socday labadan hay’adood ay sheegeen inay soo diyaariyeen wixii loogu talagalay barnaamijka wareega maantey furmayna uu yahay kii 6-aad. Kaalinta Wasaaradda caafimaadka ayay sheegeen inay tahay mid weyn oo hiigsanaysa meel fiican iyadoo ay carabka ku dhufteen in caruurta da’doodu ka yar tahay 5 sano la gaarsiiyey 76% yoolkuna yahay intaas in laga badiyo. Shaqaalaha Caafimaadka ayay ku booriyeen inay dadaalkooda labalaabaan ayna gaaraan dadka u baahan talaalka si looga waaqsado in la dhaafo qof u baahan talaalka, waxay kaloo ka codsadeen waalidiinta in talaalka la siiyo ilmaha si looga badbaadiyo cudurada dilaaga ah ee laga hortagi karo.

 

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa isaguna munaasibada khudbad qiimo badan ka jeediye ayaa ugu horeyn u mahadceliyey dhamaan dadka ka kasoo qaybgalay xaflada isagoo sheegay inay maantey fursad u tahay shacabka Puntland inay ka faa’idaystaan barnaamijka Maalmaha Caafimaadka Caruurta kaasi oo xanbaarsan talaalka lixda cudur ee dilaaga ah iyo daawooyin kale oo la socda sida kaniinada gooryaan dilaha iyo biye sifeeyaha.

 

Aabayaasha iyo Hooyooyinka Puntland waxa uu ka codsaday inay caruurtooda siiyaan xaqa caafimaad ee ay ku leeyihiin “ Ololaha Talaalka sanadkiiba 2 jeer ayaanu qabanaa sidoo kale waxaa jira talaal joogto ah(routine) oo ay bixiyaan xarumaha hooyada iyo dhalaanka waxaan ka codsanayaa hooyo iyo aabe kasta inay ilmahooda talaalka siiyaan si looga hortago cudurada dilaaga ah, waxaa nasiib daro ah in dad badani ay iska dhago tiraan oo ay ka faa’idaysan waayaaan talaalka Isbitaalada ayaan mararka qaarkood waxaan ku arkaa caruur jadeeco ku dhacday kuwaas oo marka la baareyna la ogaadey inay yihiin kuwo aan talaalka la siin, inay sidaas dhacdo aad baan uga xunahay anagu diyaar baanu ula nahay shacabka inaan caafimaadkooda ka shaqeyno dhamaanteena masuuliayd baa inaka saaran inaan ka wada shaqeyno yaan loo qaadan dowladda kaliya dowladu waa shacabka shacabkaana laga rabaa inay gacan ka gaystaan” ayuu yiri Wasiirka Caafimaadku.

 

Wasiirka Caafimaadku waxa uu intaas ku daray in Wasaaradda Caafimaadku ay dadaalkeeda laba laabayso oo aysan ka seexan doonin doorkeeda inay sii laba jibaarto mooyaane, wuxuu sheegay in wasaaraddu ay laamiga ka dagtey barnaamijyada caafimaadkuna ay xawli u socdaan, dhamaadka bishan ayaa Wasiirku waxa uu sheegay inay Wasaaraddu furi doonto 3 xarumood oo lagu daweynayo dadka qaba cudurka qaaxada xarumahaas oo laga furi doono Degmooyinka laamiga ka baxsan (Eyl, Taleex iyo Jariiban oo ka kala tirsan Nugaal, Sool iyo Mudug.

 

Ugu danbeyntii waxaa munaasibada ka hadlay Madaxwayne ku xigeenka Puntland Gen. C/samad Cali Shire oo ku dhawaaqey in Ololaha Maalmaha Caafimaadka Caruurtu uu furan yahay guud ahaan Puntland isagoo dhibicdii ugu horeysay ku dhibciyey ilmo ka yar 5 sano oo Xarunta Wasaaradda la keenay. Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland waxa uu booriyey shaqada Wasaaradda Caafimaadka Puntlnad isagoo ku amaanay shaqada adag ee ay umadda u hayaan isagoo tilmaamay in Wasaaradda Caafimaadku ay tahay hormuudka Wasaaraddaha Puntland.

 

Madaxwaynuhu waxa uu mahadcelin balaaran usoo jeediyey hay’addaha WHO iyo UNICEF oo sheegay in doorka ay ka qaateen caafimaadka hadaan la heli lahayn in wax badan adkaan lahaayeen, waxa uu ak codsaday madaxwaynuhu inay dadaalkooda balaariyaan. Shaqaalaha caafimaadka waxa uu ku booriyey Madaxwaynuhu inay gaarsiiyaan talaalka dadka loogu talagalay ee jooga miyi iyo magaalaba si cudurada looga ciribtiro wadanka taas oo ku xiran sida shaqaalaha caafimaadku ay uag shaqeeyaan.

 

Ugu danbeyn Madaxwayne ku xigeenka Puntland waxa uu ka codsaday Waalidiinta reer Puntland inay xil weyn iska saaraan badbaadinta caruurta reer Puntland oo ay siiyaan talaalka loogu talagalay in looga badbaadsho cudurada laga hortagi karo isagoo ku booriyey inay goobaha loogu talagalay ay caruurta keenaan sidoo kale waxa uu madaxwayne ku xigeenku ka codsaday hooyooyinka dhaqmaadka ah inay ka faa’idaystaan talaalka iyaguna oo ay qaataan talaalka teetadnada oo ah ka hortag.

 

Xafladaha barnaamijkan lagu daahfurayay waxay ka dhaceen magaalooyinka waa weyn ee Puntland, barnaamijkan maantey la daah furey ee Maalmaha Caafimaadka Caruurta ( Child Health Days) waa barnaamij sanad walba ay wasaaradda caafimaadka iyo hay’adaha la shaqeeya qabtaan labo jeer waana barnaamij olole ah oo lagu gaarayo bulsho badan iyadoo barnaamijkan uu yahay mid lagu kabayo Talaalada sida maalinlaha ah uga socda Xarumaha hooyada iyo dhalaanka (MCH).

 

Waxaa nasoo gaariyey:

C/qaadir Warsame Yuusuf

Madaxa Warfaafinta

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland

Abdiqadir72@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this