Sign in to follow this  
Somalia

PM Abdiweli meets Assistant US Secretary of State (Pictures)

Recommended Posts

Somalia   

Wendy-Sherman.jpg

Wendy-Sherman1.jpg

 

Nairobi; (pp)- Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa fiidkii Sabtiga kula kulmay magaalada Nairobi Haweeneyda Wendy Sherman oo ah ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Mareykanka oo u qaabilsan dhanka Siyaasadda. Labadan mas’uul ayaa kulankooda uu ka dhacay magaalada Nairobi oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin siyaasadda, dhameystirka Xilliga Kala Guurka ah, amniga, dastuurka iyo dib-u-habeynta baarlamaanka.

 

 

Ra'iisul Wasaaraha DFKMG Somaliya oo la kulmay Ku Xigeenka Hillary Clinton

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo ay ku wehliyeen Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdiwahab Ugas Xuseen Ugas Khalif, La-Taliyaha Ra’iisul Wasaaraha iyo Kaaliyaha Ra’iisul Wasaaraha. Dhanka Mareykana Wendy Sherman waxaa ku wehliyey kulanka Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya iyo Saraakiil kale.

 

Wafdigan ka socday Mareykanka ayaa beryahan waxey ku marayeen safar shaqo waddamo badan oo Afrika ka mid ah, kulanka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliyana waxey markhaati ka tahay sida ay Mareykanka mudnaan gaar ah u siinayaan arrimaha Soomaaliya.

 

Wendy Sharman ayaa ku bogaadisay Ra’iisul Wasaare Abdiweli dadaalka dheeriga ah iyo waxqabadka muuqda ee 6dii bilood ee la soo dhaafay ka dhacay Soomaaliya oo ay sheegtay in caalamku rajo weyn ka qabaan Soomaaliya, shirkii London ka dhacayna uu tusaale fiican yahay sida ay caalamku diyaar ugu yihiin Soomaaliya. Wendy waxey xustay eraygii Hillary Clinton ee ahaa in Xilliga KMG ah uu dhammaanayo oo aan la aqbali karin in mudada la kordhiyo.

 

Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa uga mahadceliyey Wendy Sherman kulankan muhiimka ah iyo sida ay Dowladda Mareykanka u garab is taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, waxuuna u xaqiijiyey in Xilliga KMG ah aan lagu dari karin oo shacabka Soomaaliyeed aysan aqbali karin mudo kororsi. Waxuu kaloo uu sheegay in maanta Soomaaliya ay heysato waddadii saxda aheyd ee Roadmap ka oo ah nidaamkii lagu dhameystiri lahaa Xilliga KMG ah isla markaana bilaha soo socda lagu dhameystiri doono dastuurka oo weliba dib-u-habeyn lagu sameyn doono baarlamaanka oo la rabo in baarlamaanka cusub noqdo mid tayo leh oo kalsoonida shacabka hanan kara.

 

Kulankan waxaa kaloo looga hadlay sidii shacabka soomaaliyeed looga taageeri lahaa dhismaha maamulada hoose oo weliba dhulalka laga xorreeyo Al-Shabaab loogu heli halaa kaalmadii shacabka ay aayahooda uga tashan lahaayeen ha noqoto guddiyada amniga, dib-u-heshiisiinta, adeegyada bulsho

iyo maamul u sameynta deegaanada cusub Ra’iisul wasaaraha maalmahii uu ku sugnaa Nairobi waxuu kulamo la qaatay Ambassador Mahiga, Safiirada Mareykanka, Talyaaniga iyo Norway. Waxuu kaloo kulan la qaatay Wasiirka Gaashandhiga Kenya Mudane Yusuf Xaajil.

 

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu Axadda ku soo laabto dalka ka dib booqasho rasmi ah oo uu ku soo kala bixiyey dalal ka tirsan Qaaradda Yurub iyo shirkii London.

 

Isha Warka: Xafiiska Raiisal wasaaraha DF

 

Daabacaadda: Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this