Sign in to follow this  
kingofkings

Biyo la’aan xoogan oo ka jirta deegaano ka mid ah gobolka Karkaar

Recommended Posts

Xaalad biyo yari oo saamaysay dadka iyo xoolaha ayaa lasoo sheegayaa inay ka jirto degmada Xaafuun ee gobolka Karkaar.

 

Gudoomiye kuxigeenka gobolka Karkaar Yoonis Cali Faarax ayaa sheegay biyo yaraantu in laga dareemayo tuulooyinka, Hurdiye Xando iyo Baarmadoowe oo dhamaantood katirsan gobolka Karkaar.

 

Waxaa uu sidoo kale sheegay biyo la’aantu inay sabab u tahay roobabkii la filaayay oo aan da’in iyo ceelshii biyaha oo qaarkood cilad farsamo ay soo wajahday.

 

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay dowladda Puntland iyo hay’adaha QM inay u direen baaq ay ku codsanayaan in gurmad loo sameeyo dadka deegaanka.

 

Mar wax laga weydiiyay saamaynta nololeed ee biyo la’aantu sababtay ayaa waxaa uu sheegay,dadku inay qarka u saaranyihiin inay u dhintaan biyo la’aantan ayna jiraan xoolo u geeriyooday biyo la’aanta ka jirta deegaano ka mid ah gobolka Karkaar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this