Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa Somalia: Siilanyu's leadership deficit, food aid corruption scandal

Recommended Posts

......................................................................................................................................................................................................................................Siilaanyo oo xilkii ka qaaday tiro lagu majarahabaabinaayo musqu maasuqa xafiiskiisa ka soo maaxaaya

 

Written by Qaran news

Mar 10, 2012 at 08:54 AM

Hargysa,(Qaran news)- Waxa maanta xabsiga loo taxaabay sadex masuul oo ka tirsan xukumadda Siilaanyo kadib markii ay ku cadaaytay in ay qayb ka yihiin lunsi ama weecsi raashin caawimo ahaa oo loogu talo galay dadka danyarta ah.

 

Sadexda masuul ee maanta xabsiga loo taxaabay ayaa kala ah, 1. Badhasaabkii Gobolka Maroodi-jeex, Mudane, Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji)

 

2. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta,Mudane, Axmed

Cilmi Barre

 

3. La-taliyihii Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane, Cismaan.

 

Talaabadan uu maanta qaaday madaxweynahu ee uu xabsigiga ugu diray sadexdaasi masuul isla markaasina uu xilkii ay hayeen uu ka xayuubiyay ayaan ahayn mid iyaga oo qudhaata ku kooban, hase ahaatee waxa arimahni musuq maasuq iyo raashinkani la iibsaday lug weyn ku leh oo isha laga laliyay xubno ku dhow dhow madaxweynaha, gaar ahaan xafiiska samafalka ee hoos taga madaxtooyada ee ay madaxda ka tahay Amina Diiriye.

 

Waxa jira xubno dhowr ah oo lagala xishooday in la qabto ama xilka laga qaado kuwaasi oo ay ceebta iyo fadeexda arintani uun ay xukumaddu dusha ka saartay sadexdaas shaqsi ee aynu soo sheeganay.

 

Xukumadda Siilaanyo ayaa u dhaqaaqaday boob, ay hore ugu haysay hantida umada, iyada oo wasaarada arimaha dibadu ay kow ka ahayd musuq maasuqii ugu weynaa ee ugu foosha xumaa, ilaa maantana ay u cadilantahay wasaaradaasi xisaab xidhkeedii oo aan ilaa hada aanu wasiirkeed arimaha dibadu aanu soo xaraynin, sababta oo ah iyada oo uu lunsaday hanti aad u tiro badan oo lagu horu marin lahaa wasaradaasi, doraad ayay ahayd markii ay wasiirka maaliyada iyo wasiirka arimaha dibadu ay madaxweynaha hortiisa isku gacan saadhi gaadheen mar ay ku jireen kulankoodii golaha wasiirada, kadib markii uu wasiirka arimaha dibadu ka codsaday wasiirka maaliyada in loo soo daayo lacagayowgii iyo mushaarooyinkii wasaarada arimaha dibada oo ay ku jiraan kuwa wakiilada dibada uga ah Somaliland oo aan wax mushaar ah aan helin mudo sadex bilood ah, taasi oo wasiirka maaliyadu uu ku xidhay in hanti dhowrka wasaaradaasi ku jira laga war sugo, iyo in uu wasiirka ariaha dibadu uu keeno xisaab xidhkii lacagayowgii hore ee la siiyay.

 

Isku soo wada duuboo waxa nasiib daro ah in aanay saxaafada Somaliland anay hab yaraatee waxba ka qorin tan iyo intii ay mashaqadan lagu boobaayo raashinkaasi danyarta loogu talo galay ay bilaabmatay, waxana ay shabakada qaran news ku kaliyaysatay soo tabinta musuq maasuqa ay xukumaddu ku boobayso raashinkaasi iyada oo todobaadkii ina soo dhaafayb aanu si joogto ah u soo bandhigaynay raashinkaasi ay boobayaan xubno dhowr ah oo ka tirsan xafiiska madaxweynaha iyo xubno kale oo dawlada ka tirsan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo xabsiga loo taxaabay ka dib markii lagu eedeeyey lunsi Hanti Qaran

 

Sabti, Maarso 10, 2012 (HOL) — Ciidamadda amniga Somaliland ayaa maanta xabsiga u taxaabay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland ka dib markii lagu eedeeyey musuqmaasuq hanti ummadeed.

 

Masuuliyiintan la xidhay ayaa waxa ka mid ahaa Badhasaabkii gobolka Hargeysa Axmed Cumar X. Cabdilaahi Xamarje, Agaasimaha wasaaradda Dib u dejinta Axmed Cilmi Yare, La taliyaha madaxweyne ku xigeenka Cismaan Siciid, kuwaas oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyey raashin la doonayey in loo qaybiyo qoysas danyar ah oo mucaawimo loo siiyey Somaliland.

 

Masuuliyiintan waxa lagu xidhay xarunta Dambi baadhista ee magaaladda Hargeysa, halkaas oo su’aallo lagu waydiinayo, isla markaana lagu baadhayo kiiskoodda.

 

Arrintan lagu eedeeynayo masuuliyiintan ayaa ah Raashin mucaawimo ah oo loo waday in la siiyo dad danyar ah, balse la sheegay in loo duwaday bakhaaro u gaar ah si gaar ahna la doonayo in loo iibsaddo.

 

Inkastoo aanay xukuumaddu si dhab ah uga hadal arintan, haseyeeshee waxa wararka ku saabsan kiiskooddaasi sheegayaan inay la xidhiidho tuhun lunsi Raashin mucaawimo ah oo loo waday dad danyar ah.

 

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

barkhadladiif@hiiraan.com

Hargeysa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Somaliland: The fight against corruption continues three officials fired

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta Degreeto madaxweyne Xilkii Kaga qaaday masuuliyiintii Saaka Loo xidhxidhay Musuqmaasuqa

 

March 10, 2012 - Written by Admin

 

 

 

 

10/03/2012

 

 

 

War-saxaafadeed

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Degreeto madaxweyne oo numberkeedu yahay JSL/M/XILQ/249/1-949/032012 xilalkii ay hayeen kaga qaaday.

 

1. Badhasaabkii Gobolka Maroodi-jeex, Mudane, Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji)

 

2. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta, Mudane, Axmed Cilmi Barre

 

3. La-taliyihii Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane, Cismaan Siciid Jaamac,

 

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland markii uu ku qancay in madaxdaasi ay faraha kula jireen eedo musuq-maasaq oo ka dhashay raashin mucaawimo ah oo la leexsanayey.

 

Waxa uu go’aan saday in laga bilaabo maanta uu ka qaaday xilalkii ay hayeen sadeexdaasi masuul,

 

Sidaa darteedna, waxa maanta laga bilaabo xilalkii ay hayeen si ku meel gaadha u sii hayn doona

 

 

 

1. Xilkii gudoomiyaha Gobolka Marooji-jeex waxa sii hayndoona Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex.

 

2. xilkii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta waxaa sii hayndoona Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta.

 

 

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

 

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Share this post


Link to post
Share on other sites

iyo bililiqo xawli sare ku socda oo xukumada Siilaanyo iyo qarsriga uu gadhwadeen ka yahay

 

Written by Qaran news

 

Mar 10, 2012 at 04:50 AM

 

Badhisaabka Hargysa iyo agaasimaha dib u dajinta ayaa ka mid ah raga bililiqaystay raashinkaasi

Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaadhaya xafiiska Shebekada Qarannews ee Hargeysa ayaa noo xaqiijiyey inay weli si xawliya u socoto boobka iyo bililiqada lagu hayo raashin deeq ah oo dawlada Cumaan ku deeqday dadka saboolka ah reer Somaliland,Boobkaas iyo bililiqadaas waxaa horseedka ka ah masuuliyiin ka iirsan qasriga madaxtooyada iyo xukumada Siilaanyo.

 

Wararkanu helaynaa waxay intaas raaciyeen in lix Gaadhi oo sida raashin deeqa ah ay bililiqeysteen masuuliyiin ka tirsan qasriga madaxtooyada iyo xukumada Siilaanyo oo ay ka mid yihiin Badhsaabka Hargeysa Mr.Xamarji oo Caan ku ah dhaca iyo bililiqada oo leexsadey laba gaadhi oo mid u fakaday midna lagu qabtey guri ku yaala Galbeedka Hargeysa oo uu leeyahay nin ay isku beel yihiin ama wada shaqeystaan kaas oo siday raashin deeqa oo isagu jiray Daqiiq,Sonkor,Kaluun iyo Buskud.

 

Sidoo kale ayaa shalay la qabtey hal Gaadhi oo uu isna dhacay ama leexsadey Agaasimaha Guud ee wasaarada dibudejinta oo hore u musuq maasuqey Gaadhi Landcruser ah oo hayadi ku caawisey wasaaradiisa oo uu u sameystay laNbar shicib ilaa haddana ka kireeya hayadaaha wasaaradiisa wada shaqeynta leeyihiin. Agaasimahan guud wuxuu ka soo jeeda beesha madaxweyne Siilaanyo.

 

Tu kale la taliyaha madaxweyne ku xigeenka Saylici ayaa isna lagu qabtey hal gaadhi oo raashin deeqa oo uu boobey isagoo ka iibinaayey niman ganacsato ah oo bakhaaro ku leh suuqyada Hargeysa balse waxaa la sheegay inuu la baxsadey laba gaadhi oo kale oo loo iibgeeyay Wajaale.

 

Dhinaca kale magaalada Burco oo loo rarey 24 Gaadhi oo nooca CANDHOMEYDLAHA loo yaqaan oo sida raashin deeq ah oo loogu talo galay dad danyar ah oo degan Burco ayaa la musuqmaasuqey ka dib markii Badhasaabka Burco CABDOO AAYIR qaatey 8 gaadhi oo raashin deeqa sida kana iibiyey niman ganacsato ah kuwaas oo ku rogtey bakhaaro ku yaala bariga Burco,dhinaca kale waxaa la sheegay inuu 4 gaadhi siiyey saraakiil ka tirsan maamulka Burco oo iyana ilaa shalay si badheedha ugu iibinaayey suuqyada magaalada Burco.

 

Isku soo wada duuboo waxaa xawli sare ku socda bililiqada iyo boobka lagu hayo raashinka deeqda ah ee loo keenay dadka saboolka ee ku nool gudaha Somaliland,boobkaas iyo bililiqadaas oo ay horseed ama gadhwadeen ka yihiin masuuliyiin ka tirsan xukumada Siilaanyo iyo saraakiisha qasriga madaxtooyada.

 

 

Qaran news

Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this