Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Officials Arrested Sacked Over Alleged Food Aid Diversion Corruption

Recommended Posts

Hargeysa(HWN)ciidamada CID-da ee somaliland ayaa maanta xabsiga dhigay agaasimihii guud ee wasaarada dib u dejinta md:Axmed Cilmi Yare iyo badhasaabka gobolka maroodi jeex Md:Axmed Cumar X.C/laahi Xamarje, xidhitaanka masuuliyiinta ayaa loo malaynaya inay xidhidh la leedahay eedo musuq maasuq loo tuhmay inay xidhiidh la leeyihin, eedahan ayaa la xidhiidha raashin maalmihii ugu danbeeyey la hadal hayey in lagu kala iibsaday suuqyada magaalada hargeysa raashinkaas oo loogu tala galay dadka danyar ah.

 

Xukuumada somaliland ayaan wali si rasmi ah uga hadal xadhiga masuuliyiinta waxaana la filayaa in xukuumadu si cad u faahfaahiso xadhiga lagula kacay badhasaabka gobolka maroodi jeex iyo agaasimaha guud ee wasaarada dib u dejinta somalilnad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xilkii ka qaaday sadex masuul oo dawladda ka tirsan oo uu sheegay inay faraha kula jireen eedo musuqmaasuq oo ku saabsan raashin mucaawimo ah oo la leexsanayay.

 

Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Af-hayeenka madaxtooyadda, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Degreeto madaxweyne oo numberkeedu yahay JSL/M/XILQ/249/1-949/032012 xilalkii ay hayeen kaga qaaday.

 

1. Badhasaabkii Gobolka Maroodi-jeex, Mudane, Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji)

 

2. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta,Mudane, Axmed

Cilmi Barre

 

3. La-taliyihii Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane, Cismaan

Siciid Jaamac,

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland markii uu ku qancay in madaxdaasi ay faraha kula jireen eedo musuq-maasaq oo ka dhashay raashin mucaawimo ah oo la leexsanayey.

 

Waxa uu go’aansaday in laga bilaabo maanta uu ka qaaday xilalkii ay hayeen sadeexdaasi masuul.

 

Sidaa darteedna, waxa maanta laga bilaabo xilalkii ay hayeen si ku meel gaadha u sii hayn doona

 

1. Xilkii gudoomiyaha Gobolka Marooji-jeex waxa sii hayndoona Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex.

 

2. xilkii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta waxaa sii hayndoona Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this