walaalkis Posted March 10, 2012 Laas-caanood: (Sh. M. Network) Saraakiisha Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen dad badan oo dhawaan ay ku xir xireen Magaalada Laas-caanood ee Xarunta gobolka Sool kuwaasi oo taagersan dowladda KMG Soomaaliya. Kornel C/rashiid Dhunkaal Cali oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Maamulka Somaliland ee Magaalada Laas-caanood oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay howlgal ay ku qab qabteen dad farabadan oo shacab ah oo taageerayay dowladda KMG ah iyo Maamulka la magacbaxay Khaatuma State oo banaanbax ka dhigayay Magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool kadib markii Ciidamo ka tirsan Maamulka Somaliland ay is hortaag ku sameeyeen banaanbaxaasi. C/rashiid Dhunkaal ayaa waxa uu sheegay in banaanbaxaani ay soo abaabuleen dad nabad diid ah oo uu sheegay inay kasoo horjeedaan gooni isu taagga Somaliland, wuxuuna intaasi ku daray in dadka ay Ciidamada gacanta ku dhigeen ay gaarayaan 28-ruux oo isugu jira rag iyo dumar sida uu hadalka u dhigay kuwaasi oo uu sheegay in cadaaladda la horkeeni karo. Kornelka ayaa sheegay in marna aysan u dul qaadan doonin in baananbax ka dhan Somaliland uu ka dhaco gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo uu sheegay in uu san ka jirin wax la yiraahdo Maamulka Khaatuma State. Deegaano hoostaga Maamulka Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay waxa ka dhacayay banaanbaxyo ballaaran oo lagu taageerayay Maamul cusub dhawaan looga dhawaaqay Taleex kaasi oo lagu magacaabo Khaatuma State islamarkaana taageersan dowladda KMG Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites