Sign in to follow this  
Somalia

Gaalkacyo: Pharmaceutical Company gives a presentation (Pictures)

Recommended Posts

Somalia   

Gaalkacyo : (Allpuntland)-Shirkadda SIMBA PHARMACEUTICALS LTD ayaa maanta Magaalada Gaalkacyo dhaqaatiirta gobolkan Mudug ugu soo bandhigtay dawooyin taya ahaan aad u wanaagsan oo ay doonayaan in ay wadanka keenaan.

 

Shirkada SIMBA PHARMACEUTICALS ayaa duhurnimadii maanta dhaqaatiirta gobolka Mudug qado sharaf ugu samaysay Hotelka Golden Plaza ee magaalada Gaalkacyo halkaas oo ay sidoo kale kula qaateen kulan saacado badan qaatay oo ay uga doodayeen qaabka ugu haboon ee wadanka gaar ahaana gobolkan Mudug looga hirgalin lahaa dadaalka ay shirkadu wado oo ah mid Umada Soomaaliyeed looga samata bixinayo dhibaatooyinka ay kala kulmaan dawooyinka dhacay iyo kuwa tayadoodu ay aadka u liidato ee wadanka lagu iibiyo.

 

Dr. Ravi Meonon oo ka mid ah masuuliyiinta shirkadan SIMBA PHARMACEUTICALS LTD ayaa intii uu Kulankan socday dhaqaatiirta sharaxaad dheer ka siiyay dawooyinkan, tayadooda, shirkada sameeyay iyo dadaalkii ay u galeen in ay wadankan soomaaliya soo gaarsiiyaan, wuxuuna tilmaamay in dawooyinkani ay diyaariyeen ilaa 7 shirkadood oo ka mid ah kuwa ugu tayada wanaagsan shirkadaha dawooyinka ee Caalamka kana hawgala qaaradaha caalamka sida America, India.

 

Dr. Ravi Meonon wuxuu tilmaamay in shirkada SIMBA ay awood u leedahay in ay dib ugu celiso dawooyinka dhacay ama xiliga isticmaalkoodu uu dhamaaday shirkadihii ay ka soo gaday islamarkaana ay ku soo badesho dawooyin cusub oo tayo u leh bukaanada u baahan, xanuunadana tir tiri kara.

 

C/laahi Cidilibaax oo ah Gudoomiyaha shirkada SIMBA PHARMACEUTICALS LTD oo isna kulankan hadalo kooban ka jeediyay ayaa tilmaamay in ay mudo 9-sano ah ku qaadatay in uu shirkadaha Dawooyinkan sameeya uu ka dhaadhiciyo in dawooyinkooda uu keeno Soomaaliya oo xilligana aysan ka jirin dawlad awood leh, wuxuuse tilmaamay dadaalkaasi in markii dambe uu ku guulaystay islamarkaana ilaa 7 shirkadood oo ka mid ah kuwa ugu tayada wanaagsan shirkadaha dawooyinka sameeya ee Caalamka ay ka ogolaadeen in dawooyinka ay sameeyaan uu soomaaliya u safriyo.

 

Intii kulankan uu socday dhaqaatiirta gobolku waxay masuuliyiinta shirkadahan su’aalo badan ka waydiiyeen tayada dawooyinkan ay keenayaan, cida tijaabisay ama xaqiijisay iyo awooda ay u leeyihiin in ay dawooyinkani la dagaalamaan xanuuno badan oo bulshadu ay la ildaran tahay ugana bixi waayay sababo la xiriira dawooyin dhacay iyo kuwo tayadoodu hoosayso oo ay isticmaaleen mudo badan, xanuunkaasina uu adkaysi u yeeshay dawooyinkii loogu talagalay, waxayna masuuliyiinta Shirkadani SIMBA PHARMACEUTICALS aad ugu dheeraadeen shaxaarada ay dhaqaatiirtan ka siinayaan arrimahan oo dhan iyo tayada dawadani ay leedahay.

 

Intii kulankani uu socday waxay labada dhinac ee ka koobnaa dhaqaatiirta iyo Masuuliyiinta shirkada SIMBA PHARMACEUTICALS isla garwaaqsadeen in ay wadanka ka hawgalaan dhaqaatiir khibrad dheer u leh xanuunada iyo dawaynta bukaanada lakin ay meesha ka maqantahay dawo tayo u leh la dagaalanka xanuunada iyo baabi’ntooda, waxayna dhaqaatiirtu aad u soo dhaweeyeen keenida dawooyinkan ee gobolka Mudug gaar ahaana Magaaladan Gaalkacyo.

 

Kulankan waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan shirkada dawooyinka iibiya ee gobolkan Mudug iyo shaqsiyaad ka shaqeeya dawooyinka, waxayna naf ahaantoodu aad ula dhaceen qaabkan cusub iyo dawooyinkan tayada leh ee ay shirkadu soo bandhigtay, kuna haminayso in ay guud ahaan wadanka ka hirgaliso si bulshadu ay u hesho dawooyin tayo u leh baabi’inta xanuunada ay ka cabanayaan.

 

Gabagabadhii kulankan waxaa ka hadlay Mursal Daab-jeerin oo ah Wakiilka suuqgaynta iyo iibka Puntland ee shirkada SIMBA PHARMACEUTICALS wuxuuna tilmaamay in shirkadu ay dadaal badan ku bixinayso sidoo ay bulshada uga haqabtiri lahayd baahida ay u qabaan dawooyin tayo leh awoodna u leh xanuunada ay ka cabanayaan, kadib markii ay shirkadu daraasaysay dhibaatooyinka dhinaca dawooyinka ah ee wadankan Soomaaliya ka jira.

 

SIMBA PHARMACEUTICALS waa shirkadii ugu horaysay ee dadaal caynkan ah ka muujisa baahida bulshada ee dhinaca dawooyinka xilli guud ahaan wadanka Soomaaliya ay ka jiraan dhibaatooyin farabadan oo asal ay u tahay dawo dhacday ama tayo ahaan aad u hoosaysa.

 

Kulankan maanta waxaa ka soo qaybgalay ku dhawaad 20 xubnood oo ka mid ah dhaqaatiirta gobolka Mudug, gaar ahaana magaalada Gaalkacyo sida:-

 

Proff. Maxamed Jaamac Salaad

Dr. Bashiir Cali Biixi

Dr. C/qaadir Cali Mire

Dr. Saalax C/laahi Maxamed

Dr. Saalax C/laahi Maxamed

Dr. Cabdi Jaamac

Dr. Caynshe Jaamac

Dr. C/qaadir Jaamac Maxamuud (Dhagacadde)

Dr. Maxamed Xusdeen Aadan

Dr. Timir

Dr. Yaasiin iyo dhaqaatiir kale oo farabadan.

 

I see some faces desismileys_3191.gif

 

89.jpg

22.jpg

23.jpg

25.jpg

26.jpg

27.jpg

28.jpg

29.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

reer Mudug and especially reer Galkacyo doing what comes natural to them even when the situation would otherwise suggest lack of coordinated development. Guul and Gobonimo Mudug state.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this