ToughGong. Posted March 8, 2012 Waxaan gabaygayga guubaabada ciilka Barbaarta gedayda Katiinadu goysay Gubtoon ladi waayo inaan garab haysto Gariirka agtayda ayaan ka gartaaye Hadaanan hadaanan Hadaanan gadoodka Lixloow guga maanta la soo hadhin guusha Waxaan gabaygayga guubaabada ciilka Gidaar igu meersan God la igu horjoogo Gaadh la iigu wareejey Hadaan gacaloowe Gaashaan hidin waayey Inaan godobtayda Galaydhkiyo haada gaadhsiiyo fariinta ayaa ila gudboone Hadaanan hadaanan Hadaanan gadoodka Lixloow guga maanta la soo hadhin guusha Waxaan Gabaygayga guubaabada ciilka geeraar iyo maanso intaan isu geeyo Ragaad garanyso Intaan u goleeyo Garaadka u buuxsho Waxaan goconaayo Haddaan Gacantayda Ku goosanayaaye Hadaanan hadaanan Hadaanan gadoodka Lixloow guga maanta La soo hadhin guusaha Waxaan gabaygayga guubaabada ciilka Gammaanka cadhaysan Gargooska ku naaxsho Haddaan gulufkooda ku soo gambiyaaye Hadaanan hadaanan Hadaanan gadoodka Lixloow guga maanta La soo hadhin guusha Waxaan gabaygayaga guubaabada ciilka Haweenka galuuban Gidaarada Jeelka dadkoodii la geeyey Gasiinka la taagan Gubtoon ladi waayo Gudaafka wuxuushtu Garuunkiyo qoolka wuxuu ku garaaco wuxuu dhangad geeshka Sarmaanta galoolka Gabdhaha ku uleeyo Mid gaydhka ka caayo waxaan gasariiro Galiilyada saanta Gankaygu istaago Gogaygu dubaaxsho Ragaad garanayso Haddaan gashigaygii ka soo gudayaayoon ka goosanayaaye Hadaanan hadaanan Hadaanan gadoodka Lixloow guga maanta la soo hadhin guusha Quote Share this post Link to post Share on other sites