Xaaji Xunjuf Posted March 7, 2012 Qabqablle Xasan Daahir Aweys Oo Hadallo Hanjaabad ah U Soo Diray Shacabka Somaliland Kana Hadlay Aqoonsiga Iyo Ictiiraafka Somaliland “Somaliland Waxaa Wax lagu Fahan Siin karaa Qoriga Afkiisa” ayuu ku hanjabay Xasan Daahir Aweys. Muqdisho (GNS)- Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Maleeshiayadda xag jirka ah ee AlShabaab ayaa waraysi uu siiyay Mid kamid ah Idaacadaha Duleedka Muqdisho kuyaal ayaa waxaa uu kaga hadlay Arimo badan oo la xidhiidha Somaliland, waxana uu shaaca ka qaaday in Dawladda Itoobiya ay dabadda ka riixayso in la aqoonsaddo Somaliland. wadaadka maraykanka ugu jira liiska argagixisada caalamka ee Xasan Daahir Aweys waxa uu sheegay in aqoonsiga iyo ictiirafka Somaliland ay dabadda ka riixayso dawladda itoobiya, waxana uu intaasi ku daray inaanay Somaliland marnaba ka go’ayn dalka somaliya, waxana uu si cad u sheegay in ay Somaliland ku soo qaadi doonaan dagaal “Somaliland Waxaa Wax lagu Fahan Siin karaa Qoriga Afkiisa” ayuu ku hanjabay Qabqaballe Xasan Daahir Aweys. Xarkadda Alshabaab oo ah mid lagaga adkaaday dagaaladii dhowaanahanba ka socday dalka somaliya ayaa wakhtigan u eg in ay dagaal kula jirto dhanka afka ah Somaliland. Xasan Daahir Aweys waxa uu Dawladda Itoobiya ku eedeeyay in ay wadato qorshaha Somaliland ay ku doonayso in ay kaga go’do Soomaaliya inteeda kalle Xasan Daahir ayaa sheegay in hadii Somaliland ay ku adkaysato in ay ka go’ayso Soomaaliya ay noqon doonto wadada kaliya ee furan in meesha laga saaro oo qasab lagu ogolaysiiyo midnimada Soomaaliya. Xasan Daahir Aweys ayaa ah qabqaballe Dagaal, waxana uu shaadh diimeed u xidhay habkii uu mar uun u helli lahaa xil, balse nasiib daro waa uu ku guul daraystay in uu xil ka qabto somaliya, waxana uu door biday in uu xasuuqo qaar ka mid ah shacabkiisa ku naf waayay magaaladda Muqdisho iyo qaar kalle oo ka mid ah magaalooyinka somaliya. Hadalka xasan daahir ayaa ku soo beegmaya wakhti alshabaab laga sifeeyay inta badan goboladda Somaliya, waxana uu hadalkiisani ku beegamaya wakhti Alshabaab firxadkeedii ay kala galleen Magaalooyinka waa weyn ee somaliya isla markaana dhuumaalaysi ku yihiin miyayadda badhtamaha somaliya. wadaadka maraykanka ugu jira liiska argagixisada caalamka ee Xasan Daahir ayaa ah oday ku jaahwareeray siyaasadda, waxana uu kala garan waayay diinta iyo siyaasadda, arintan ayaa sababatay in uu si bilaa taxdir leh afka ula soo gallo Somaliland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Hermet Posted March 7, 2012 Xasan Dahir Aweys...nin iska hadla maha like these pirates..walahi the man is a strategist and a half...He is currently leading the anti-foreign struggle against Ethiopia and Kenya, his views on somaliland are for him...But never the less I support the mans struggle against Ethiopia and Kenya... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 8, 2012 Waa dhakh lagu dhuftee iska daaya ,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted March 8, 2012 He's a loser, I actually pity him, what has he ever accomplished? Quote Share this post Link to post Share on other sites
rudy-Diiriye Posted March 8, 2012 this nigga still alive!! hell no. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted March 8, 2012 Xasan Daahir ayaa sheegay in hadii Somaliland ay ku adkaysato in ay ka go’ayso Soomaaliya ay noqon doonto wadada kaliya ee furan in meesha laga saaro oo qasab lagu ogolaysiiyo midnimada Soomaaliya. Sheikha interview-giisa waa kan,waxaasna kama hadlin,hadalkiisana maaha!. Halkan ka dhegeyso: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qandalawi Posted March 8, 2012 “Somaliland Waxaa Wax lagu Fahan Siin karaa Qoriga Afkiisa” ayuu ku hanjabay Xasan Daahir Aweys. Loooooooooooool, this man, although I have respect for him as an elder he cracks me up. His believe in solving everything through violence is astounding. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 8, 2012 ^^ live by the gun die by the gun laakin wa mujahid xassan daahir aweys waxa la doono hala yidhai i respect him Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qandalawi Posted March 8, 2012 Maddeey, Adeer warkiisa soo gaabiyo muxuu yiri? Wax badan waan kutaageersanahay laakiin qaabka loo fulinaayo ayaan kaga soo horjeedaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted March 8, 2012 ^It's only 20 minutes, dhegeyso sxb. Quote Share this post Link to post Share on other sites