Dr_Osman Posted March 7, 2012 Wararka Madaxweynaha Puntland oo Garowe ku soo laabtey 7 Mar 7, 2012 - 6:34:41 AM GAROWE ONLINE Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa maanta 07, March 2012 dib ugu soo laabtey magaalada Garowe ee caasimada Puntland kadib safari uu dalka dibadiisa ugu maqnaa muddo 20-cisho kor u dhaafeysa. Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire, Gudoomiyaha barlamanka Cabdirashiid Maxamed Xirsi ,wasiiro xukuumadda ka tirsan ,qaar ka mid ah mudanayaasha barlamanka Puntland ,saraakiisha ciidamada daraawiishata ,sirdoonka iyo booliska Puntland ,haween ,dhalinyaro iyo dadweyne aad u tiro badan. Cutubyo ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland iyo kooxda Bam-beyda ayaa salaan sharaf siiyey madaxweynaha oo ku soo dhaweyey garoonka diyaaradaha Garowe,waxana intaasi kadib loo galbiyey dhanka aqalka madaxtoyada Puntland oo shir saxaafadeed uga warbixiyey socdaaladii uu wafdigiisu soo maray. Ugu horeyn warbixin ku saabsan xaaladihii ugu danbeeyey ee dalka ayaa waxa madaxweynaha siiyey ku xigeenka Gen.Cabdi samad Cali Shire oo xusey xaalad abaareed guud ahaan deganaansho deeganada Puntland. Madaxweyne Dr.Cabdiraxman Farole ayaa hadalka qaatey waxana uu golayaasha dowladda iyo saxaafada uga waramay shirkii London lagu qabtey oo Somalia caalamku u soo jeestey wax-ka qabashada xaaladeeda. Soo dhawayntii diiranaeed ee Garowe maanta loogu sameeyey ayuu uga mahadceliyey dhamaan,waxana uu raaciyey in guul ku soo dhamaadeen shirarkii u dalka dibadiisa ku soo galay. Shirarkii dhowaan lagu qabtey Garowe ee dastuurka Somalia ayuu dib usoo hadal qaadey madaxweynuhu,isagoona amaan gaar ah u soo jeediyey ciidamada amaanka Puntland oo hirgelinta gacan iyo kaalin lixaad leh ka qaatey. Qorshe hawleedka(Road MaP) ayuu shir saxaafadeedkiisa xusey madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Farole ,isagoona ku darey in weli harsanyihiin shirar lagu qaban doono Garowe Somaliduna mar saddexaad iman doonto si loo ansixiyo dastuurka federaalka Somalia. Balse ka hor inta aysan qabsoomin arrintaasu ayuu sheegay Dr.Farole in uu ka horeyn doono ansixinta dastuurka dowladda Puntland oo bishan gudaheeda ilaa bilawga April uu cayimey wakhtiga qalinka lagu duugayo dastuurka. Rajo wanaagsan ayuu ka muujiyey khayraadka dabiiciga ee Puntland lasoo baxayso oo meel fiican marayaan shaqadoodu ,waxana uu madaxweynuhu xusey in ay jiraan dad isku dayaya inay lugta u saaraan xasiloonida iyo horumarka Puntland inkastoo uu san si gaar ah u carabaabin shaqsiyaad. Midinimada Somalia ayuu ugu danbeysiiyey hadalkiisa madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole oo uu tilmaamey in Puntland u heelan tahay sidii Somalia oo mid dib loogu askumi lahaa. Ka dib kulankii madaxtoyada ayuu madaxweynaha Puntland waxa u kormeer ku tagey hoolka shirarka ee barlamanka Puntland oo hawsha dhismihii socoto goob qiyaastii 200mtr u jira dhanka waqooy madaxtoyada Garowe isgaoona lug ay ku tageen iyo masuuliyiinta la socotey. Waxaa xusid mudan in Dr.Farole ay maanta la socdeen xubnihii Puntland uga qaybgalay shirkii London sida wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladda hoose Gen.Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilkajir ,wasiirka waxbarashada Puntland Dr.Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Dr.Maxamed Xasan Barre. Halkan ka dhageyso codka madaxweynaha Puntland Madaxtoyada http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Madaxweynaha_PL_oo_Garowe_ku_soo_laabtey_maanta.shtml Best Parliament in Somalia Coming Soon Boys Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted March 7, 2012 I don't get these 'goodbyes' and 'welcome back' ceremonies-what waste of resources and time, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted March 7, 2012 che meeshu dawlad weeye Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted March 7, 2012 Even Obama doesn't indulge in this sort of affair. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted March 7, 2012 Che, War farole maba sameeyo arimahan except markay jirto arimo wa-weyn sida garowe principle oo hirgashay, shidaalka oo guul laga keeni rabo, parliament-presidential palace aan wax lamid ah dalka ka jirin laga dhiseyo garowe iyo arimo kale Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 7, 2012 Dr osman maha dawlad wa mamuul hoosaas dawlada Somalia Mogadisho joogta adeer la soco Pudhlayn wa mamuul goboleed reereed maha dawlad dawladay xaal qaado adeer hada tan dawlad lugu sheego. Che dee waxa weye kalay ii dawada Somalia iyo Somaliland dadka jooga wa dad iska shaqo la aani hayso markaas dee wa in marba madaxweyne durbaan loo tumo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
kingofkings Posted March 7, 2012 Xaaji Xunjuf;800019 wrote: Dr osman maha dawlad wa mamuul hoosaas dawlada Somalia Mogadisho joogta adeer la soco Pudhlayn wa mamuul goboleed reereed maha dawlad dawladay xaal qaado adeer hada tan dawlad lugu sheego. Che dee waxa weye kalay ii dawada Somalia iyo Somaliland dadka jooga wa dad iska shaqo la aani hayso markaas dee wa in marba madaxweyne durbaan loo tumo. :D Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 7, 2012 XX is mad at Puntland State Government. Keep being mad ya supporter of Amira Godane.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted March 7, 2012 Caadi ma'aha that Parliament building. :cool::eek::cool: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sensei Posted March 7, 2012 Che -Guevara;800005 wrote: I don't get these 'goodbyes' and 'welcome back' ceremonies-what waste of resources and time, Dadka soo safta badankooda waa mid madax ah iyo mid qaraabanaya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sensei Posted March 7, 2012 Che -Guevara;800015 wrote: Even Obama doesn't indulge in this sort of affair. Well, Obama hadde Puntland president kama aha. He too would have "indulged this sort of affairs" had he been PL prez. Quote Share this post Link to post Share on other sites