Sign in to follow this  
Dr_Osman

President Farole Returns To Garowe. PICS and AUDIO

Recommended Posts

Dr_Osman   

Wararka

 

Madaxweynaha Puntland oo Garowe ku soo laabtey

7 Mar 7, 2012 - 6:34:41 AM

 

 

 

GAROWE ONLINE

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa maanta 07, March 2012 dib ugu soo laabtey magaalada Garowe ee caasimada Puntland kadib safari uu dalka dibadiisa ugu maqnaa muddo 20-cisho kor u dhaafeysa.

 

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire, Gudoomiyaha barlamanka Cabdirashiid Maxamed Xirsi ,wasiiro xukuumadda ka tirsan ,qaar ka mid ah mudanayaasha barlamanka Puntland ,saraakiisha ciidamada daraawiishata ,sirdoonka iyo booliska Puntland ,haween ,dhalinyaro iyo dadweyne aad u tiro badan.

 

Cutubyo ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland iyo kooxda Bam-beyda ayaa salaan sharaf siiyey madaxweynaha oo ku soo dhaweyey garoonka diyaaradaha Garowe,waxana intaasi kadib loo galbiyey dhanka aqalka madaxtoyada Puntland oo shir saxaafadeed uga warbixiyey socdaaladii uu wafdigiisu soo maray.

 

Ugu horeyn warbixin ku saabsan xaaladihii ugu danbeeyey ee dalka ayaa waxa madaxweynaha siiyey ku xigeenka Gen.Cabdi samad Cali Shire oo xusey xaalad abaareed guud ahaan deganaansho deeganada Puntland.

 

Madaxweyne Dr.Cabdiraxman Farole ayaa hadalka qaatey waxana uu golayaasha dowladda iyo saxaafada uga waramay shirkii London lagu qabtey oo Somalia caalamku u soo jeestey wax-ka qabashada xaaladeeda.

 

Soo dhawayntii diiranaeed ee Garowe maanta loogu sameeyey ayuu uga mahadceliyey dhamaan,waxana uu raaciyey in guul ku soo dhamaadeen shirarkii u dalka dibadiisa ku soo galay.

 

Shirarkii dhowaan lagu qabtey Garowe ee dastuurka Somalia ayuu dib usoo hadal qaadey madaxweynuhu,isagoona amaan gaar ah u soo jeediyey ciidamada amaanka Puntland oo hirgelinta gacan iyo kaalin lixaad leh ka qaatey.

 

Qorshe hawleedka(Road MaP) ayuu shir saxaafadeedkiisa xusey madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Farole ,isagoona ku darey in weli harsanyihiin shirar lagu qaban doono Garowe Somaliduna mar saddexaad iman doonto si loo ansixiyo dastuurka federaalka Somalia.

 

Balse ka hor inta aysan qabsoomin arrintaasu ayuu sheegay Dr.Farole in uu ka horeyn doono ansixinta dastuurka dowladda Puntland oo bishan gudaheeda ilaa bilawga April uu cayimey wakhtiga qalinka lagu duugayo dastuurka.

 

Rajo wanaagsan ayuu ka muujiyey khayraadka dabiiciga ee Puntland lasoo baxayso oo meel fiican marayaan shaqadoodu ,waxana uu madaxweynuhu xusey in ay jiraan dad isku dayaya inay lugta u saaraan xasiloonida iyo horumarka Puntland inkastoo uu san si gaar ah u carabaabin shaqsiyaad.

 

Midinimada Somalia ayuu ugu danbeysiiyey hadalkiisa madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole oo uu tilmaamey in Puntland u heelan tahay sidii Somalia oo mid dib loogu askumi lahaa.

 

Ka dib kulankii madaxtoyada ayuu madaxweynaha Puntland waxa u kormeer ku tagey hoolka shirarka ee barlamanka Puntland oo hawsha dhismihii socoto goob qiyaastii 200mtr u jira dhanka waqooy madaxtoyada Garowe isgaoona lug ay ku tageen iyo masuuliyiinta la socotey.

 

Waxaa xusid mudan in Dr.Farole ay maanta la socdeen xubnihii Puntland uga qaybgalay shirkii London sida wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladda hoose Gen.Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilkajir ,wasiirka waxbarashada Puntland Dr.Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Dr.Maxamed Xasan Barre.

 

Halkan ka dhageyso codka madaxweynaha Puntland Madaxtoyada

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Madaxweynaha_PL_oo_Garowe_ku_soo_laabtey_maanta.shtml

 

DSCN0126.JPG

DSCN0131.JPG

DSCN0142.JPG

DSCN0146.JPG

DSCN0150.JPG

DSCN0158.JPG

DSCN0162.JPG

DSCN0192.JPG

DSCN0278.JPG

 

Best Parliament in Somalia Coming Soon Boys

DSCN0287.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Che, War farole maba sameeyo arimahan except markay jirto arimo wa-weyn sida garowe principle oo hirgashay, shidaalka oo guul laga keeni rabo, parliament-presidential palace aan wax lamid ah dalka ka jirin laga dhiseyo garowe iyo arimo kale

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr osman maha dawlad wa mamuul hoosaas dawlada Somalia Mogadisho joogta adeer la soco Pudhlayn wa mamuul goboleed reereed maha dawlad dawladay xaal qaado adeer hada tan dawlad lugu sheego.

 

Che dee waxa weye kalay ii dawada Somalia iyo Somaliland dadka jooga wa dad iska shaqo la aani hayso markaas dee wa in marba madaxweyne durbaan loo tumo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;800019 wrote:
Dr osman maha dawlad wa mamuul hoosaas dawlada Somalia Mogadisho joogta adeer la soco Pudhlayn wa mamuul goboleed reereed maha dawlad dawladay xaal qaado adeer hada tan dawlad lugu sheego.

 

Che dee waxa weye kalay ii dawada Somalia iyo Somaliland dadka jooga wa dad iska shaqo la aani hayso markaas dee wa in marba madaxweyne durbaan loo tumo.

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sensei   

Che -Guevara;800005 wrote:
I don't get these 'goodbyes' and 'welcome back' ceremonies-what waste of resources and time,

Dadka soo safta badankooda waa mid madax ah iyo mid qaraabanaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sensei   

Che -Guevara;800015 wrote:
Even Obama doesn't indulge in this sort of affair.

Well, Obama hadde Puntland president kama aha. He too would have "indulged this sort of affairs" had he been PL prez.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this