Dr_Osman Posted March 7, 2012 Xagee maraysaa howlaha shidaal qodista ee ka socota ceelka Shabeel 1 ee Dooxada Dharoor? [Dhageyso waraysiga agaasimaha batroolka Puntland] March 7, 2012 // Warar Somaali Agaasimaha macdanta iyo shidaalka dowladda Puntland Ciise Maxamuud Faarax Dhoolwaa oo isagoo ku sugan dalka Imaaraatka Carabta waraysi siiyay Puntlandnews24 ayaa waxaa uu shaaciyay inay muuqanayso himilooyin fiican oo la xiriirta in shidaal laga soo saaro Puntland xilli dhow. Agaasimaha ayaa dhinaca kale sheegay inaysan wax saamayn ah ku yeelan doonin heshiisyada caalamiga ah ee dowladda la galayso shirkadaha caalamiga ee ka shaqeeya baaritaanka shidaalka hanjabaad dhowaan kasoo yeertay maleeshiyada Al-Shabaab oo ay tilmaamaysay inay weerari doonaan goobaha shidaalka laga qodayo ee Puntland. Dhageyso waraysiga agaasimaha macdanta iyo shidaalka Puntland Ciise Maxamuud Faarax Dhoolawaa. http://puntlandnews24.com/xagee-marayaa-howlaha-shidaal-qodis-ee-kasocoto-ceelka-shabeel-1-ee-dooxada-dharoordhageyso-waraysi-agaasimaha-macdanta-iyo-sh-ciise-dhoolwaa/ Agaasimaha ayaa sheegay in wadamo reer Yurub ah iyo kuwa Islamka ay danaynayaan Puntland, waxaana loo arkaa meel nabdoon oo horumar ka hirgeli karo. Puntland News-24 Bosaso, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites