Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Xidigyadii Waayo Waayo Kala-baaday Oo Gondaha Is-daray

Recommended Posts

hadhwanaag 2007-11-22 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Tartan loogu magac-daray tar-tanka odayaasha ka fadhiistay Ciyaaraha Kubada Cagta ee cuslaaday ayaa maanta ka furmay Garoonka kubada Cagta 31 May ee Magaalada Hargeysa.

 

Waxaana tar-tankan soo qaban-qaabiyey Ciyaar-yahano reer Somaliland ah oo hore kubada Cagta u Ciyaari jiray oo wakhtigan ka fadhiistay, isla waxa maalgeliyey oo inuu qabsoomo koobkani ka danbeeyey Murashaxa jagada Madaxweynanimada ee Xisbiga Mucaarid ah ee KULMIYE Dr. Axmed Xuseen Xuseen Ciise.

 

U jeedada tar-tankan loo qabtay ayaa ahayd sidii dhalinyarada loogu dhiiri-gelin lahaa kubada Cagta, isla markaana ay uga dheeraan lahaayeen bal-wadaha noocyadooda kala duduwan oo aanay u baran.

 

Ciyaaryahan Shaqale oo isagu wakhtigan ka fadhiistay Ciyaarta kubada Cagta Xafladii Furitaanka ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay doonayaan inay dib ugu soo noqdaan dhalinyarada Ciyaarta kubada Cagta,isla markaana loogu dhiiri-gelin lahaa iny isaga kacaan qaadka oo ay yimaadaan garoomada ay joogaan dadka Caqligoodu fayow yahay.

 

Maxamed Madar oo isna Munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay tar-tanada noocan oo kale ahi ay muhiim u yihiin dhalinyarada oo marka ay arkaan kuwii ka waa-weyna oo aan qaad u cuneyn, iyaguna ay ku dhiiranayaan Ciyaarta kubada Cagta oo ay ka fogaanayaan qaadka.

 

“Waxaan runtii maanta ku faraxsanay inaan arko ciyaartan ay ciyaarayaan rag da’adeyda ah oo la odhan karo dhalinta cuslaatay,waxaanan ku boorinayaa ciddii keentay figradan ah in odayadu laf-tigoodu ciyaaraan ay tahay mid runtii la dhiiri-geliyo” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saalax Xasan oo ka mid ah qurba-jooga reer norwey, isla markaana ah tababaraha kooxda Xulka Norwey

 

Cabdiraxmaan Saalax Xasan waxa uu ku taliyey In jiilka yar yar ee ay da’adoodu u dhaxeyso 10 sanadood ilaa 12 jirka iyo 14 jirku ay u baahan yihiin in iyagana loo sameeyo tar-tarno wax ku ool ah oo iyagana sidan oo kale loo dhiiri-geliyaa,waayo jiilba jiil ayuu bedelayaa.

 

“Waxaan ku boorin lahaa dhamaan Ciyaartoyga ama tababarayaasha Somaliland inay asluubta Ciyaarta oo ah waxa ugu muhiimsan in la ilaaliyo oo siidh-walahana loo daayo go’aanka, ciyaartoyguna uu ciyaartoy noqdo” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saalax

 

Cabdiraxmaan waxa uu sheegay inuu u mahad-celinayo ciddii ka danbeysay in la qabto koobkan ee uu maskaxdiida ka yimi.

 

Aamiin Cabdilaahi Xaashi oo isagu ka mid ahaa qaban-qaabiyayaasha tar-tankan oo is-na halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in dhalinyaro ahaan lagu tiriyo kuwa cuslaaday, taas oo uu tilmaamay inay sababayso inuu qofku ka mashquulo Ciyaartii ama uu shaqo raad-sado ama uu guursado. Isla marka waxa uu xusay inaanu wakhtigan gacanta ku hayn Ciyaarti kubadaCagta oo uu jecel yahay inaanay Ciyaatii kubada Cagta ka hadhin.

 

“Tar-tankan maanta ka bilaabmay garoonka 31 May waxay u jeedadiisu tahay dhiiri-gelinta Ciyaaraha, haday tahay mid kubad iyo mid kale-ba ee Gobolka Hargeysa, taas oo aanu dooneyno in dhalinyaradii nagu xigtay inay nagu daydaan, haday tahay xag akhlaaq, haday tahay mid kubad-jaceylba” ayuu yidhi Aamiin Cabdilaahi Xaashi oo tilmaamay sidii ay dhalinyarada ka yar yar ay ugu deydaan kuwa waaweyn.

 

Aamiin Cabdilaahi Xaashi waxa uu sheegay in tar-tanka kooban maanta furmay inuu ku dhiiri-geliyey Murashaxa jagamada Madaxweynanimada ee Xisbiga Mucaarid ah ee KULMIYE Dr. Axmed Xuseen Ciise, isla markaana ku tilmaamay inuu yahay qofkii ugu horeeyey ee Ciyaarahan naga dhiiri-geliya oo waanu ugu mahadnaqaynaa,

 

“Waxaan u soo jeedinaynaa ganacsatada iyo bulshada inteeda kale inay iyaguna hoos u soo eegaan inay Ciyaarihii wax ka qabataan si ay dhalinyarada uga soo celiyaan balwadaha kala duwan” ayuu yidhi Aamin Cabdilaahi Xaashi

 

Cismaan laba qori oo hore uga mid ahaan jiray Ciyaaryanadii ruuq-cadaaga ee kubada Cagta Somaliland ee aadka loo jeclaa, oo wakhtigan ka fadhiistay Ciyaarta kubada cagta oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay doonayaan sidii dhalinyarada u bari la haayeen qaab sharciyeedka kubada Cagta oo ay kaga dayan lahaayeen, isla markaana u soo jeediyey inay ka fogaadaan waxyaabaha balwada ee duleynaya.

Waxa uu xusay inuu koobkani inuu qabsoomo uu ka danbeeyey Dr Axmed Xuseen Xusee Ciise oo uu isagu maal-geliyey.

 

Tar-tankan oo la ciyaaridoono Khamiis-kasta ayaa waxa ka qey-galayaa lix kooxood oo isaga kala yimi qaar ka mida Waaxaha Caasimada Hargeysa ka kooban tahay tahay iyo Degmada Gabilay oo kala ahaa sidan Group “A” Jig-jiga yar, Gabiley iyo Gurya Samo, Group “B” Gol-jano, Axmed Dhagax iyo Xawaadle, Waxaana kulankii maanta oo ahaa kii ugu horeeyey waxa fooda isku daray Jig-jiga yar iyo Gabilay, waxaanay Ciyaartaasi ku dhamaatay bar-bar dhac gool iyo Gool.

 

u_2d_2007-11-22-19-10-7f_PB220016.JPG

u_2d_2007-11-22-19-11-55f_dddddddddd.JPG

u_2d_2007-11-22-19-15-31f_hhhhhhhhhh.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this