Sign in to follow this  
kingofkings

Tababar Farsamooyinka Gacanta Ah oo Garowe Dhaliyaro Uga Furmay+Sawiro

Recommended Posts

Tababarkaan Ayaa waxaa Uu maanta Ufurmay Dhalainyaro Tiradoodu ay gaaraysay 40 kuwaasi oo ka kale Yimid Deegaanada Bandarlayla ,Baargaal ,Eyl ,Boosaaso Iyo Garoowe.

 

Waxaana Inta Uu Tababarkasi Socdo Ay ku Barandoonaan Farsamooyinka Gacanta Sida Koronta Dhismaha Guryaha Iyo Niijaarada Iyadoona ay Muhiimada Tababarka uu Yahay Indhaliyarada Laga Jeediyo Falalka Burcad Badeednimda .

AQoonkorar sigaani oo Socondoona Muddo LIxbilood ah kaasi oo Ka Furmay Dugsiga Farsamada Gacanta Ee Magaalada Garoowe Iyadoona ay Mashruucaani AY iska Kaashadeen Hay’ada NCA iyo Wasaarada Cadaalada Puntland.

 

Yuusuf Cabdi Qaadir Xaaji OO ah Madax Hay’ada NCA Puntlad ayaa waxaa uu ka Warbixiyay Muhiimada Tababarka iyo Goobaha ay Dhaliyarada ka kala yimaadeen“Dhaliyaradan waxaa ay kala yimaadeen Deegaanada Eyl,Bandarbayla,Baargaal, Bosaaso iyo Garowe Waxaa ay Barandoonaan Farsamooyinka Gacanta sida Barashada Korontada,Dhismaha Guryaha Iyo Najiirada ooay baran doonaan Muddo Lixbilood Ah Muhiimada Waxaa Weeye in Xirfaddo loo Abuurro Dhaliyarada si ay san Uga mid Noqon Burcad badeedda iyo Kuwa falalka Amni darada Gaysta Dowlada ayaan marar badan Nagacaawisay hadana si wanaagsan ayay Noocawinaysaa waxaana Tababarka Aan ka wadashaqaynayanaan Wasaarada Cadaalada Arimaha Diinta Iyo Dhaqan celinta Puntland Waa Dafcaddii Lixaad Tababarka waxaan Rajaynayaa in Adka Faa’iidaysandoonaan.

 

Wasiirku Xigaynka Wasaarada Cadaalada,Arimaha Diinta iyo Dhaqan celinta Puntlad Maxamuud Siciid oo si Rasmi ah u Furay Tababarka Ayaa Kula dardaaramay dhalirada in ay ka faa’iidaystaan Tababarka iyo Aqoonta ay heleen.

 

Mudoonyinkii Ugu Dambeeyay Hay’ada NCA iyo Wasaarada Cadaalaada Arimaha Diinta Iyo Dhaqan celinta Puntland waxaa ay ku Howlanayeen Shaqa u Abuurida Dhalinyarada Si Dhalinyarada Looga weeciyo falalka Burcadbeednimada.

 

TGarowe.jpg

TGarowe-2.jpg

TGarowe-3.jpg

TGarowe-4.jpg

TGarowe-5.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe ( Allpuntland ) : Munaasabad si weyn loo soo agaasimaya ayaa waxaa ay ka dhacday xarunta Barashada Xirfadaha Garowe ee GVTC ,Waxaana loo qabtay 40 Dhalinyara ah oo ka kala yimi Degmooyinka Dhul xeebeedka ee Puntland, Waxaana iska kaashaday Wasaaradda Cadaaladda,diinta iyo arrimaha Dhaqancelinta & Hay,adda NCA ,

 

Maamulaha Kuliyadda Barashada Xirfadaha Gacanta Garowe Eng, Maxamed Diiriye Laalac ayaa ugu horayn jeediyey Warbixin ku adan Taariikhda Dugsiga & ujeedada Munaasabadda waxaana uu sheegay in Dugsigaan la Furay 1998 iyadoo ay dhismihiisa lahayeen Islam Bank , ayna kasoo Baxeed Dhalinyaro Gaaraysa 1,400 oo arday kuwasoo Bartay Xirfado kala Duwan oo ah Farsamada Gacanta ,iyadoo Maantana muhiimada Barnaamijka ay Tahay sidii looga jihayn lahaa Dhalinta shaqaqoyinka aan munaasabka ahayn oo ay ka mid tahay Burcadbadeednimadu & Tahriibta ,

 

Yuusuf C/qaadir x.Xirsi oo ah Madaxa Hay,adda NCA ee Puntland ayaa isna Qaatay Hadalka Waxaana uu sheegay in mashruucaan ay saldhig u tahay Dowladda Puntland in uu ka Fulo Deegaanada dhul xeebeedka ah,

 

Madaxa NCA ayaa sidoo kale xusay in Barnaamijkani galay sanadkii ugu Danbeyey ee Sadexaad ayna yihiin Difcadii Lixaad oo Wax ka Barata Machadka Farsamada Gacanta Garoowe ,

 

Wasiirkuxigeenka Wasaaradda Cadaaladda ,Diinta & Arrimaha Dhaqancelinta Puntland Maxamuud Siciid Xuseen ayaa si Rasmi ah u furay munaasabadda ayaa sheegay in Dowladu garab tagantahay Dhalinyarada iyadoo wada Mashariicda Horumarineed ee ka socda Dhulka Xeebaha,

 

Wasiirku waxaa uu Dhalinta ku Booriyey in ay ka Faaiidaystaan Barashada Farsamooyinka uu Machadkani Bixin doono si ay WaxBarashada Marka ay dhamaystaan ay uga shaqeeyaan Dalka oo si weyn ugu Baahan in laga Haqabtiro Farsamooyinka kala duwan.

 

Difcadaan ayaa Dhalinyaradu ku Barandoonaan Xirfadaha Korantada, Faradaha& Fuundinimada iyadoo Machadkana laga Bixiyo kuliyadahaas iyo kuwo kale oo aad u farabadan.

 

Xafiiska wararka ee allpuntland Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this