Sign in to follow this  
kingofkings

Puntland President Returns From UAE

Recommended Posts

Abdirahman Mohamed Mahamud, president of Somalia’s Puntland federal state, has returned to the regional capital Garowe after trips to Djibouti and the United Arab Emirates.

faroolePL.jpg

 

 

Mahamud ‘Faroole’ returned to Garowe just hours ago with key members of his cabinet, including Petroleum and Minerals Minister Issa Farrah.

 

The delegation briefly entered Puntland after the recent London Conference, and immediately took off for diplomatic and possible investment meetings in Djibouti and the UAE.

 

As reported here recently, a high-level address on recent oil findings in the Dharoor valley basin is expected to be made by Faroole.

 

Celebration and buzz continue to make their way around Puntland, as locals celebrate what has been understood to be a de facto discovery of promising quantities of hydrocarbons in their home regions.

 

http://www.dissidentnation.com/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa ka socota qaban qaabo xoogan oo loogu jiro sidii loo soo dhoweyn lahaa wefdi uu horkacayo madaxweynaha Puntland oo todobaadyadii u danbeeyey safaro shaqo dalka dibaddiisa ugu maqnaa.

 

Wefdigan oo ay ku jiraan xubo ka tirsan golaha wasiirada ee Puntland ayaa ka qayb galay shirkii arimaha Soomaaliya looga hadlayey ee 23.Feb ka dhacay magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska.

 

Mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdisamed Cali Shire, wasiiro iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha si ay uga qayb qaataan soo dhoweynta wefdiga madaxweynaha.

 

Sidoo kale waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe iyo hareeraha wadada gashaba ku sugan dadweyne aad u tira badan kuwaas oo wata calamo, iyo boorar ay ku qoran yihiin halkudhigyo soo dhoweyn ah oo wefdigaas loogu tala galay.

 

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud iyo wefdigiisa waxaa la filayaa waxyar kadib marka ay Garoowe soo gaaraan inay Saxaafadda uga warbixiyaan safaradii ay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garowe(Pi) Waftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiraxmaan Sh.MM. Faroole oo ay kamid yihiin Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdullahi Axmed ILka Jiir, Wasiiru Dowlaha Xiriirka Caalamiga Cabdulqadir Cabdi Xaashi iyo Wasiirka Waxbarashada Cabdi Farax Siciid Juxa ayaa goor dhowayd lagusoo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Garowe.

 

Waftiga Madaxweynaha ayaa mudo dhowr iyo toban casho ah wadanka ka maqnaa , iyagoo kasoo qayb galay shirkii London ee Arimaha Soomaaliya looga hadlayey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe kasoo degey wefdi uu horkacayo madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

 

Wefdiga madaxweynaha oo ay ku jiraan wasiirka arimaha gudaha, wasiirka caafimaadka, wasiiru dowlaha dastuurka, wasiiru dowlaha qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah iyo mas’uuliyiin kale ayaa kamid ahaa ergooyinkii Soomaalida ee ka qayb galay shirkii London.

 

Waxaana garoonka diyaaradaha si diiran ugu soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda oo uu horkacayo madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen. Cabdisamed Cali Shire iyo dad weyne aad u tira badan.

 

Kooxaha Baanbeyda oo iyaguna garoonka ku sugan ayaa wefdiga madaxweynaha kusoo dhoweeyey muusikada astaanta u ah qaranka Soomaaliyeed.

 

Intaas kadib waxaa madaxweynaha iyo wefdigiisa loo sii gelbiyey dhinaca xarunta madaxtooyada halkaas oo la filayo in ay saacadaha soo socda Saxaafada shir ugu qabtaan.

 

Sawirada iyo codadka imaanshaha wefdiga madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole naga fisha goor dhow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this