Sign in to follow this  
Dr_Osman

Bosaso Press Commitee Cut All Ties With Puntland Security Ministry. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Saxaafadda Ka Hawlgasha gobolka Bari oo Xiriirka u Jartay Wasaaradda Amniga Puntland [sawirro]

Comments (19) | Write Comment

 

Saxafi Wellcome oo Go'aanka Saxaafadda u akhrinaya

1808.jpg

 

Boosaaso[RBC Radio] Bahda Saxaafadda ee ka hawlgasha gudaha gobolka Bari ayaa maanta soo saaray go’aamo dhowr ah oo la xiriiray tacdiyo,handadaad iyo qalab ka qaadid oo ugu danbeysay dhacdo shalay dhexmartay koox Suxufiyiin ah iyo Ilaaladda Wasiir kuxigeenka 2-aad ee amniga Xukuumada Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamed.

 

Kulan degdeg ah oo ay yeesheen guud ahaan Saxafiyiinta gobolka Bari sida Agaasimayaasha Idaacadaha,Tifaftirayaasha Webseedyada iyo Wakiilada Warbaahinta kale oo ay ku jiraan Telefishinada ayey go’aan mideysan ku gaareen in Xiriirkii wadashaqeyneyd ee kala dhaxaysay Wasaaradda amniga Xukuumada Puntland kala noqdeen.

 

Suxufiyiinta ka hawlgasha gobolka Bari gaar ahaan magaalada Boosaaso

2556.jpg

 

Qoraalkii kasoo baxay Kulankii Saxaafadda gobolka Bari.

 

Gudiga Saxaafadda Gobolka Bari

 

Maantoo ay taariikhdu tahay 06-03-2012 Maalin Talaado ah waxaa ay saxaafaddGobolka Bari ay soo gabgabeeyeen Kulamo taxane ahaa oo ay ka wada tashanayeen Dhacdooyin la xiriiray saxaafadda oo qaarkood saameyn ku yeeshay Hanaanka shaqo ee saxaafadda Gobolka Bari, waxeyna gebgebadii Kulankoodii ka soo saareen Qodobo Muhiim ah Oo Isugu Jira soo gudbinta Go’aano ay Saxaafaddu ka gaartay Dhacdooyinkaasi Tacadiga ah iyo Baaq ku aadan Dawladda Puntland.

 

1-Gudiga saxaafadda Gobolka Bari waxaa uu Si weyn u canbaareynayaa Habki ay ciidamada Dawladda u abaareen Xiritaanka Idaacadda Codka Nabadda iyo Qaadashada Qalab fara badan oo ay idaacadu lahayd.

 

2- wuxuu gudiga Codsanayaa in la siidaayo Agaasimaha Idaacadda Codka Nabadda Cawke Cabdulaahi Cali oo maalinkii afraad ku xiran Saldhiga Bartamaha Boosaso sidaa awged gudiga waxaa uu Codsanayaa in Wariyaha la soo taago Maxkamad ama la sii daayo maadaama uusan sharcigu qabin in la iska hayo qof asagoon cadaalada la horgeyn.

 

3-Waxaan usoo jeedinaynaa maamulka in sida ugu dhaqsiyaha badan oo aan sharuud lagu xirin qalabka idacaadda ka maqan dib loogu soo celiyo Kaasoo ku cad warqad gaar ah oo horey loo gudbiyay iyo in dib loo fasaxo Maqalka iyo Howlaha Idaacadda.

 

4-sidoo kale waxaan cambaareynaynaa falal Tacadi ah oo ay Shaqsiyaad dawladda ka mid ah kula kacayaan Saxafiyiinta Bulshada u shaqaynaya kuwaasoo doonayo in ay Naceyb ka dhex beeraan Dawladda iyo Saxaafadda Gobolka ama leh Dano gaar ah.

 

5-Ka dib markii ay soo kordheen si xad-dhaaf ah Waxyeelaynta iyo ku xadgudubka Saxaafadda Gobolka Bari ee Kaga imaanaya dhinaca wasaaradda Amniga waxaa ay warbaahinta Guud ee Gobolka si Mideysan u go’aansadeen in ay hakiyaan Wararka iyo Barnaamijyada Wasaaradda Amniga sida Shirarkooda Jaraa’id.

 

6-Gudiga U taagan Midnimada saxaafadda Gobolka Bari waxaa uu si guud u cambaareynayaa Weerarda dilalka, Jirdilka iyo handadaadda ee lagu hayo Guud ahaan saxafiyiinta Somaaliyeed Gaar ahaan dilkii u danbeeyay ee Wariye Cali Axmed Cabdi oo logu dilay magaalada Gaalkacyo.

 

Qodobadaan ayaa waxaa si guud u gaaray Maamaaluda Warbaahinta Gudaha, Wakilada Warbaahinada Kale iyo Saxafiyiinta Madaxa Banaan.

 

RBC Radio

Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this