Sign in to follow this  
Saalax

Mark Bowden oo soo gaadhay Burco

Recommended Posts

Saalax   

Burco: Xidhiidhiyaha Qaramadda Madoobay u qaabilsan Arrimahha Bina aadamnimada ee Soomaaliya iyo Somaliland Mr. Mark Bowden oo saaka soo Gaadhay Burco.

(Hadhwanaagnews) Tuesday, March 06, 2012

Xidhiidhiyaha Qaramadda Madoobay u qaabilsan Arrimahha Bina aadamnimada ee Soomaaliya iyo Somaliland Mr. Mark Bowden iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa saaka ka soo degey garoonka Diyaaradaha ee magaalada Burco.

 

Burco: Xidhiidhiyaha Qaramadda Madoobay u qaabilsan Arrimahha Bina aadamnimada ee Soomaaliya iyo Somaliland Mr. Mark Bowden oo saaka soo Gaadhay Burco.

 

Xidhiidhiyaha Qaramadda Madoobay u qaabilsan Arrimahha Bina aadamnimada ee Soomaaliya iyo Somaliland Mr. Mark Bowden iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa saaka ka soo degey garoonka Diyaaradaha ee magaalada Burco.

 

 

Mr. Mark Bowden iyo weftigiisan Waxa madaarka magaalada Burco kusoo Dhoweeyey Badhasaabka Gobolka Togdheer Cabdoo Ahmed Aayir,Maayarka Burco Maxmud Axmed Xasan (Dhegolab) , Maareyaha Hay´adda Quality Control Siciid Saleban Mire, Iyo masuliyiin kale oo ka kala socday Hay´adaha Caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ah, xubno ka mid ah isuduwayaasha wasaaradaha ee Gobolka Togdher iyo masuliyiin kale, Weftigan ayaa isla markiiba u gudbay dhinaca Gudaha magaalada ,waxaana ay ka qaybgaleen Munasibad xadhiga lagaga jarayey waddo cusub oo hayadda wadaniga ah ee Havoyoco ka hirgelisay Gudaha Magaalada Burco, iyadoo dhinaca kalena uu kormeer dhowr saacadood qaattay ku maray Xarumo waxbarasho oo ay gacanta ku hayaan ururada waddaniga ah ee SOYVO, SOYDAVO, iyo HAVOYOCO.

 

Mr. Mark Bowden ayaa kormeerkiisana ku maray Goobo kale oo ay ka mid tahay Dugsiga Tababarka Kalkaaliyaasha Caafimaadka ee Burco, isagoo kormeerkiisan uu ku marayey goobahaasi uu warbixino kaga dhegaysanayey Maamulayaasha, macaliminta iyo Masuliyiintii Xarumahasi oo dhan.

 

Socdaalkan uu Xidhiidhiyaha Qaramadda Madoobay u qaabilsan Arrimaha Bina aadamnimada Somaliland Soomaaliya Mr. Mark Bowden ku yimi Burco oo ah kii labaad ee uu ku yimaado Gobolkani ayuu ku sheegay inu la xidhiidho socdaalo uu ku marayey Gobolada Somaliland iyo Somaaliya isla markaasna uu ugu kuurgelayo xaalada nololeed iyo Biniaadanimo ee ka jirta deegaanadaasi.

 

Xidhiidhiyaha Qaramadda Madoobay u qaabilsan Arrimaha Bina aadamnimada Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Mark Bowden oo warbaahinta warbixin kooban ku siiyey Hotel Palaza ee Magaalada Burco kadib kormeerkiisii saacadaha qaatayayuu sheegay inu ugu horeyn aad ugu faraxsan yahay inu burco ku soo laabto mar kale isagoo xusay in sannadkii hore bishan bisheedii ay ahayd markii uu Gobolkani yimi, Mr. MarkBowden wuxu sheegay inu aad ugu farxay goobihii iyo xarumihii uu bookhday isla markaasna Bulshada Gobolkani ay tahay bulsho wax qabsanaysa oo iyadu is dhiirigelinaysa, sidoo kale wuxu xusay inu ka mabsuuday markii la dul geeyey Togga weyn ee Dhex mara Magaalada Burco oo ay ka shaqaynayeen dhalinyaro Muruq maal ah oo markii hore ahaa darbijiifka Magaalada islamarkaasna ururada waddaniga ah ee gobolku u sameeyeen xarumo lagu daryeelo laguna tababaro.

 

Ugu danbayntii Socdaalkan Xidhiidhiyaha Qaramadda Madoobay u qaabilsan Arrimaha Bina aadamnimada Somaliland iy Soomaaliya Mr. Mark Bowden uu saaka ku yimi Burco ayaa Noqonaya mid ka duwana socdaalkiisii hore ee uu ku bookhday Deegaanada iyo Kaamamka Qaxootiga iyo dadka danyarta ah, waxaanu ballanqaaday in mar walba uu gobolkan iman doono isla markaasna ka war hayn doono xaaladda nololed ee Qaxootiga iyo xaaladda Bini aadanimo ee dadka jilicsan.

 

 

WARKAN OO VIDEO AH KALA SOCO GOOR DHOW HADHWANAAGNEWS

 

 

Mustafe Osman A/rahman (Mustafe Teacher)

 

 

Hadhwanaagnews Burco / Office

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this