Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Banaadir State

Recommended Posts

Muqdisho(Waaheen) Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugidda Dowladda KMG ah ayaa shalay is hortaag ku sameeyay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Banaadir State, iyagoo xoog ku galay goobta ay ka socotay doorashada ee Hotelka Saxafi magaalada Muqdisho.

 

Taliyaha Nabasugidda Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa ka mid ahaa saraakiisha Dowladda KMG ah ee iyagu fulinayay howlgalka lagu hor istaagayo doorashada Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka maamulka Banaadir State.

Xilliga ay ciidamadu gelayeen hoolka ay ka dhaceysay doorashada waxaa socotay doorashada afar musharax oo isku soo taagay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Banadir State ayna ka mid yihiin Xasan Axmed, Muuse Cilmi Ciyow.

 

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugidda Dowladda ay amar ku siiyeen 150-qof oo ka soo qeyb gashay munaasabadda doorashada Baarlamaanka Banadir State ka soo qeyb galay lagu amray inay kala dareeraan.

 

Dhinaca kale ciidamada Nabadsugidda iyo Booliska ayaa kaxeeyay qaar ka mid ah xubnaha guddiga qabanqaabada doorashada Baarlamaanka maamulka Banadir State oo uu ka mid yahay Axmed Shariif nin lagu magacaabo kana tirsan xubnaha qurba joogta ah ee iyagu u ololeynaya in maamulka Banaadir State uu hirgalo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: (Sh. M. Network)-Shirwaynahaani oo ahaa mid lagu dhaarinayay Xildhibaano uu yeesho Maamul cusub oo la magacbaxay Banaadir State islamarkaana lagu dooranayay gudoomiyaha cusub ee barlamanka Maamulkaasi ayaa maanta waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho kaasi oo ay kasoo qeyb galeen inta badan Xildhibaanada Maamulkaasi.

 

Intii uu socday shirkaasi ayaa waxaa halkaasi lagu dhaariyay Xildhibaanada barlamanka Maamulka Banaadir Sate kuwaasi oo gaarayay 140-Mudane, waxaana qaarkood ay isku soo sharaxeen xilka gudoomiyenimo ee barlamanka Maamulkaasi.

 

Ilaa 4- Mudane oo ka tirsan Xildhibaanada Maamulka Banaadir Sate oo isku soo sharaxay xilka gudoomiyenimo ayaa waxa ay ballan qaadeen in mid waliba uu fulin doono waajibaadka loo igmaday hadii uu ku guulaysto xilkaasi, waxaana ugu dambeyn Xildhibaanada ay xilka gudoomiyenimo u doorteen Xasan Axmed Muudeey oo helay codad gaarayay 81-cod, sidaasina uu ku noqday gudoomiyaha barlamanka Maamulka Banaadir State.

 

Gudoomiyaha cusub ee Maamulka Banaadir State Xasan Axmed Muudeey oo halkaasi saxafadda kula hadlay ayaa waxa uu sheegay inay sugayaan howlo badan oo ay ka mid yihiin doorashada Madaxweyne uu yeesho Maamulkaasi, isagoo tilmaamay in Maamulka Banaadir State ay ka dambeysay kadib markii ay dareemeen sida uu sheegay in shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ay u baahan yihiin Maamul dhex dhexaadiya iyaga iyo dowladda KMG ah, wuxuuna intaasi ku daray in wadatashi badan uu la yeelan doono qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Xukuumadda KMG ah.

 

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa dalka Soomaaliya waxaa looga dhawaaqayay Maamul goboleedyo cusub oo mid waliba uu balan qaadayay in wax badan uu ka qabanayo xaaladda uu dalka marayo, iyadoo aan la’ogayn waxa Maamul goboleedyadaani ay kusoo korhin karaan marxadaha kala gadisan ee dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Banaadir State oo doortay Madaxweyne cusub

 

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Kulan maanta ay isugu yimaadeen Xubnaha golaha barlamanka ee Maamul goboleedka Banaadir State islamarkaana u shir gudoominayay gudoomiyaha barlamanka Maamulkaasi Xasan Axmed Muudeey ayaa waxaa si saxarad leh loogu doortay Madaxweynaha Maamul goboleedka Banaadir Sate iyo ku xigeenkiisa.

 

Kulanka oo ku bilowday jawi degan waxaa xilka Madaxtinada Maamulkaasi isu soo taagay ilaa dhowr musharax, iyadoo cod gacan taag ah kadib uu ku guulaystay in uu noqdo Madaxweynaha Banaadir State Max’ed C/raxmaan Cali Siireen halka Madaxweyne ku xigeen uu ku guulaystay Max’ed Sheekh Xasan AXmed kuwaasi oo kusoo baxay doorasho xor ah.

 

Gudoomiyaha gola dhexe ee Banaadir State Xasan Axmed Muudeey ayaa waxa uu ku dhawaaqay natiijadii kasoo baxday codka gacantaagga ah ee loo qaaday musharaxiinta isku soo taagay xilka Madaxtinimo ee Maamulka Banaadir State.

 

Intaasi kadib ayaa waxaa goobta lagu dhaariyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Maamulka Banaadir.

 

Madaxweynaha Maamul goboleedka Banaadir Sate oo goobta ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay hor yaalaan howlo waa wayn oo ay ka mid tahay ka shaqeynta midnimada shacbka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, isagoo tilmaamay in hadii midnimo aysan jirin aysan waxba u qabsoomi karin sida uu hadalka u dhigay.

 

Maamul goboleedka Banaadir State ayaa dhawaan waxa looga dhawaaqay gudaha Magaalada Muqdisho, iyadoo uu qeyb ka noqanayo Maamul goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya, waxaase laga war dhowrayaa waxa uu kusoo kordhin doono siyaasadda Soomaaliya oo haatan maraysa xilli Kala guur ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ wa runta aniga walaan Somalida kale ba miirqabta:D

 

nin ba beri yidhi ilahoow ama anigay sida umadayda iga dhig ama umadayda sida aniga iga dhig, hada labadi ba ma hayno.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;801020 wrote:
^^ wa runta aniga walaan Somalida kale ba miirqabta:D

 

nin ba beri yidhi ilahoow ama anigay sida umadayda iga dhig ama umadayda sida aniga iga dhig, hada labadi ba ma hayno.

Inee maalin jimcaha runbaa isku sheegnaa...lool Soomaalida jimco in lada fariisiyo waaye marka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Waa la wareeray. Madaxweynihii dowlada ku meelgaarka ah Mudane Sheekh Shariif oo soo taagan ayaa la doonayaa in maamul gobaleed laga ag dhiso Cajiib!!! JB sxb warka na sii Al-Shabaab markey socon weyday ma tan baad dooneysaan in aad ku khal khalisaan dowlada Xamar ee aduunka oo dhami ictiraafsanyahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this