Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Government to build 350 houses for IDPS

Recommended Posts

Wasiirka Dib-u-dejinta Somaliland Cabdirisaq Cali Cisman Oo Sheegay Inay Bilaabayaan 350 Guri Oo Laga Hirgalin Doono Hargeysa

March 5, 2011 Hargeysa (Cadceed) – Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland Cabdirisaaq Cali Cismaan, ayaa shaaca ka qaaday maanta inay magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa ka hirgelin doonaan 350 Guri oo cusub.

Wasiirka oo maanta xafiiskiisa ku qabtay shir jaraaid, ayaa sheegay in sannadka laga bilaabi doono caasimada magaalada Hargeysa saddex boqol iyo kuntan guri oo sannadkan laga dhisi doono magaalada hargeysa, kuwaasi oo waddamada qaadhan-bixiyaasha ahi ugu talo-galeen dadka ku barakacay gudaha waddanka, waxan hirgalintooda loo xilsaaray ayaa uu sheegay hay’adda Un- Habitat.

Geesta kalena, waxa uu wasiirku sheegay in magaalada Burco hay’adda UNHCR ay qorshaysay in ay barakacayaasha ku sugan ay u dhisto shan iyo toban guri, kuwaasi oo ay hirgalintooda u xilsaareen hay’adda NRC.

Wasiirka waxa kale oo sheegay in xaafadda Maxamed Mooge ee magaaladda hargeysa oo ay ku sugan yihiin barakacayaasha ugu badan loo raadin doono goob kale, markii ay iskaashi ka heleen dawladda hoose ee Hargeysa.

Mar uu wasiirka ka hadlayey xilli roobaadka inugu soo foodka leh, waxa uu sheegay in looga digayo dadka danyarta ah ee ku dhaqan goobaha biyo-mareenadda ah, taasi oo hay’adda fayo-dhowrku ay ka hirgalin doonaan hawlo nadaafadeed loona baahanyahay in gacan buuxda laga siiyo, si aynu uga hortagno wixii caafimaad-darro ah ee la soo gudboonaan kara dadka barakacayaasha ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this