Sign in to follow this  
kingofkings

Musharax Cabdilaahi Siciid Samantar oo Boosaaso kasoo degey si diiranna loo soo dhoweeyey

Recommended Posts

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso waxaa goor dhow kasoo degey Siyaasiga caanka ah ee reer Puntland Gen. Cabdilaahi Siciid Samantar.

 

Generalka oo si diiran loo soo dhoweeyey ayaa u sharaxan xilka madaxtinimada ee Puntland.

 

Cabdilaahi Siciid Samantar oo markii uu Garoonka kasoo degey loo soo gelbiyey dhinaca gurigiisa ayaa Saxaafadda si kooban ula hadlay.

 

Wuxuuna ka warbixiyey waxyaabaha xiligan ku dhaliyey in uu isu soo taago xilka madaxtinimada ee Puntland iyo sababta uu xiligan dalka ugu soo laabtay.

 

Cabdilaahi Siciid Samantar waa musharixii ugu horeeyey ee shaaca ka qaada inuu isu soo taagayo doorashooyinka madaxtinimada Puntland oo maagaalada Boosaaso soo gaara.

 

Waxayna arintani kusoo beegmeysaa xilli muran uu ku jiro wakhtiga uu xilka ka degi doono madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

 

RSCN5005-640x480.jpg

RSCN5006-640x480.jpg

DSCN4998-640x480.jpg

DSCN5026-640x480.jpg

DSCN5031-640x480.jpg

DSCN5023-640x480.jpg

DSCN5034-640x480.jpg

DSCN5030-640x480.jpg

 

Audio

 

http://horseedmedia.net/2012/03/05/musharax-cabdilaahi-siciid-samantar-oo-boosaaso-kasoo-degey-si-diiranna-loo-soo-dhoweeyey-sawirocod/

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Malaha dhalinyaro majirto loooooooooooolz

 

Bowe aa talahay ayay oran jireen reer Bari, Faroole oo wax badan qabtay ayaaba lacayrinaayaa oo laleeyahay mar lee dhinac noo dhaaf, Inna samatar-na waaba soo tafa xaytay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this