Che -Guevara Posted March 7, 2012 This is what they do to our women-maybe you have short memory but I don't. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 7, 2012 Bismilahi raxmani raxim that looks horrible may allah ease the pain of that woman inaalilaah,xabashidu wa dhal shaydaan weye Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted March 7, 2012 ^Kuwa wax kasogaya kama darnoo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted March 16, 2012 Qaraxyo xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo iyo Ciidamada Dowladda oo Baaritaanno ka sameeyay halkaas Jimco, Maarso 16, 2012 (HOL) — Laba qarax oo loo adeegsaday bambooyinka laga tuuro gacanta ayaa xalay ka dhacay degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kuwaas oo aan la sheegin khasaare ay geysteen. Bambooyinkan ayaa waxaa lagu weeraray fariisimo ay ciidamada DKMG ah ku lahaayeen xaafadda Bardaale ee degmada Baydhabo, iyadoo ciidamada dowladdu ay markiiba sameeyeen baaritaanno. "Qaraxyada mid ka mid ah wuxuu ka dhacay meel ku dhow bankiga Baydhabo, mana jiraan wax khasaare ah oo ay geysteen," ayuu yiri sarkaal ciidamada dowladda ka tirsan oo ku sugan degmada Baydhabo. Sarkaalku wuxuu intaas ku daray in kooxihii weerarka geystay ay baxsadeen lana wado baaritaanno lagu raadinayo, iyadoo qaraxyadan ay qayb ka noqonayaan falal ammaan-darro oo ka taagan degmadaas tan iyo markii ay bishii hore la wareegeen ciidamada dowladda KMG ah oo garabsanaya kuwa Itoobiya. Goobjoogayaal ku sugan Baydhabo ayaa iyaguna u sheegay HOL in qaraxyadu ay dhaceen xalay fiidkii, ayna ahaayeen laba qarax oo si weyn loo maqlay, iyagoo aan sheegin wax khasaare ah oo ay geysteen. Degmada Baydhabo ayaa waxay dhowr toddobaad gacanta ugu jirtaa ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo isgarabsanaya kaddib markii ay si nabadgalyo ah uga baxeen xoogaggii Al-shabaab oo muddo saddex sano ka talinayay. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites