Somalia Posted March 4, 2012 Innaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun AUN Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted March 4, 2012 Aamiin AUN. Yaa dileyna? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Archdemos Posted March 4, 2012 AUN, this is a worrying development lately. Something must be done to protect them. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 4, 2012 Allah ha u naxariisto ... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted March 5, 2012 Kooxo hubeysan ayaa caawa suxufi ku diley magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug. Weriyaha la diley oo lagu magacaabi jirey Cali Axmed Cabdi ayaa waxaa ku toogtey agagaarka Hotel Guure ee xaafadda Israac rag Baaskoolado ku hubeysan. Weriye Cali ayaa xiligii la toogtey oo ahaa abbaare 9:00 fiidnimo kusii jeedey gurigiisa oo ku yaal meel u dhow goobta lagu diley. Cali Axmed Cabdi wuxuu horay uga tirsanaan jire howl wadeenada Radio Gaalkacayo iyo Puntland.com oo uu dhowaan ka ruqsaystey. Lama oga ilaa iyo hadda sababta weriyahaas loo diley iyo weliba cidda dilkiisa ka danbeysey. Waxayna dhacdadani kusoo beegmeysaa xilli ammaanka magaalada Gaalkacayo uu todobaadyadii u danbeeyey ahaa mid xasiloon. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted March 5, 2012 AUN. Good and resiliant folks of Mudug deserve better then this. Inshallah things will change soon, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted March 5, 2012 Abwaan;798770 wrote: Aamiin AUN. Yaa dileyna? Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilkii xalay xaafadda Israac ee magaalada Gaalkacayo loogu geystey weriye Cali Axmed Cabdi. Idaacadda Andalus oo ku hadasha Afka Al-shabaab ayaa caawa baahisey in dilka weriyahaas ay iyagu ka danbeeyeen. Waxayna intaas ku dartay in weriye Cali uu ka tirsanaa sirdoonka Puntland sidaas darteedna loo bartilmaameedsaday. Waa markii ugu horeysey oo ay Al-shabaabku sheegtaan mas’uuliyadda dil loo geystey weriye ka tirsanaa weriyeyaasha ka howl gala Puntland. AHN weriye Cali Axmed Cabdi wuxuu horay ula shaqeyn jirey Page-ka Puntlandi.com iyo Idaacadda Gaalkacayo. Waxaana dilkiisa si aad ah uga tiiraanyooday dhamaan bahda Saxaafadda ee Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites