Sign in to follow this  
kingofkings

Madaxdii Puntland oo la kulmay Hay’ado gaara inti ay joogeen London todobaadkii hore

Recommended Posts

London(PI) Waftigii Puntland uga qayb galay shirkii London intii ay joogeen London waxay kulamo aryar la qaateen Hay’ado Dowlæi ah iyo kuwo gaaraa, warbixintaan waa kulan ay la qaateen Hay’ad aan Dowli ahayn oo lagu magacaabo Reed Horn of Afrika UK.

 

Qaar ka mid ah gudiga Hayada Reed Horn Of Africa UK, ayaa la kulmey Madaxweynaha Puntland DR C/rixmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyagoo ugu tagay salaan sharafeed. xubnahan ayaa ka mid ah Gudiga hayada Reed Horn Of Africa ee UK, oo ah hayad ka shaqaysa arimaha horumarka sida wacyigalinta bulshada, waxbarashada, caafimaadka, biyo galinta, dhowrista deegaanka IWM.

 

Xubnahan ayaa sidoo kale la kulmey, Wasiirada arimaha gudiga, Waxbarashada, Caafimaadka, iyo Wasiiru dowlaha wasaarada qorsheynta iyo xiriirka caalamiga. Lakulanka gudiga ee wasiirada ayaa isugu jirey isbarasho iyo kala warqaadasho. Gudiga ayaa guud ahaan uga mahadnoqey madaxdan, isbedelka ka muuqda deegaanada Puntland, iyagoo isla markaana si gooni gooni ah u weydiiyey suaalo ku wajahan wasiirwalba wasaaradiisa. Wasiirka arimaha gudaha General Cabdilaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir ) oo la hadlayey gudigan ayaa u sheegey in mudadii uu xilka hayey wasaaradiisa uu ku sameeyey isbedel muuqda, isagoo isla markaana xusey in ay gacanta ku hayaan isbedela kale oo ay doonayaan in ay ku hormariyaan waxqabadlka wadanka, sida dhismaha goloyaasha degmooyinka iyo hirgelinta maamul wanaaga. Wasiirka caafimaadka Dr Cali Cabdulaahi Warsame ayaa uga mahadnoqey hayadan howlaha ay ka wadaan deegaana ka mid ah Puntland, isagoo dhanka kalena ku bogaadiyey in aysan marna ka daalin howlaha waxtarka leh ee ay u hayaan shacabka, ayna sii laba jubaaraan dadaalkooda, waxuu sidoo kale sheegay in ay xiriir wanaagsan leeyihiin Wasaarada Caafimaadka iyo Hayadan, isagoo balan qaadey inay sii horumarin doonaan xiriirka ay la leeyihiin kuna taageeri doonaan waxqabadkooda.

 

Dhanka kale gudigan ayaa uga mahadnaqey Wasiirka horumarka uu gaarsiiyey wasaaradan inta uu ahaa wasiirka, waxeyna tusaaleeyeen waxqabadka muuqda ee ay wasaarada ku talaabsatey inta uu Wasiirka ka ahaa. Gudiga Reed Horn of Africa ayaa sidoo kalan la qaatey kulan wasiirka Waxbarashada, Cabdi Faarax Siciid Juxa isagoo si diiran u soo dhaweeyey aadna ugu amaaney waxqabadkii ay hayadaa ka geesatey deegaanada Puntland ” aadbey ula dhacsantahay wasaarada Waxbarasha Hayadan, siiba waxyaabaha ay ka qabteen arimaha waxbarasha waa wax muuqda, marwalbana masuuliyiinta Puntland, guud ahaan gaarahaana wasaarada waxbarashada tusaale ayeey usoo qaataan, iyagoo ku booriya shacabka reer Puntland inay ku daydaan hayadan waxanna gudoonsiiney shahaado sharaf rasmiya oo aan ku icriraafeyno waxqabadkooda” wasiirku waxuu balanqaadey in mustaqbalka ay si wacan ula shaqeynayaan hayadan Reed Horn of Africa, ayna waxqabad muuqda ka qabandoonaan deegaanada ay ka howlgasho hayadan.

 

Wasiiru-dowlaha Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa isna qaabiley gudigan, isagoo si diiran u soo dhaweeyey, kuna amaaney dowrka waxqabad ee hayadan ka fulisey deegaanada Puntland. Gudiga ayaa uga mahadnoqey wasiirka waqtiga uu u hurey la kulankooda, iyagoo weydiiyey suaalo la xiriirka wadashaqeynta Hayadan iyo wasaaradiisa, Wasiirku waxa uu sheegey in Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ay qirsantahay dowrka wax qabad ee hayadan ka wado deegaanada Puntland, isagoo balanqaadey in Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga sii hormarin doonto xiriirkeeda ay la leedahay deeganada ay ka howlfuliso hayadan.

 

IMG_1438-e1330855579962.jpg

IMG_1410-e1330855687835.jpg

IMG_1422-e1330855881143.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this