Sign in to follow this  
kingofkings

Puntland oo 7 ka dishay kooxda Al-shabaab ee buuraha Galgala, meydkoodiina soo bandhigtay.

Recommended Posts

Garowe, Mar 03 - Afhayeenka xukuumada Puntland Axmed Libaax-joorre oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in kooxo Al-shabaab ahi ay weerar ku soo qaadeen fariisin ciidamada Puntland ay ku leeyihiin duleedka magaalada Bossaso.

 

Md. Libaax-joorre waxaa uu sheegay in ciidanku ay hayeen xogta kooxda Al-shabaab, ayna dagaal ay ku qaadeen ay ka dileen todoba (7) qof. 3 ka mid ah meydka kooxda Al-shabaab ayaa la keenay cisbitaalka guud ee Bossaso.

 

Tirada guud ee dhimashada Al-shabaab ayaa uu ku sheegay in ay tahay 7 qof.

 

Waxaa uu intaas ku daray in aanay jirin wax khasaare ah oo soo gaaray ciidanka Puntland.

 

Dhawr qof oo shacab ah ayaa uu seegay inay soo gaareen dhaawacyo fudud.

 

Md. Libaax-joorre waxaa uu xusay in ciidanku ay sahan ayaayeen, ayna hayeen xog ku saabsan in kooxda Al-shabaab ee garab-raratada ahi ay isku urursadaan buulaleyda fog ee gobolka Bari.

 

Kooxda Al-shabaab ee uu hore u hogaamin jiray Siciid Maxamed Atam, oo la sheego in uu ku sugan yahay agagaarka Kismaayo, ayaa ka mid ah kooxda Al-shabaab ee ka dagaalama koonfurta Somaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this