kingofkings Posted March 3, 2012 Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa maanta 3, March 2012 lagu qabtay kulan ku aadan qorshe lagu fulinayo ololaha maalmaha caafimaadka caruurta oo sannadkiiba laba jeer laga qabto deegaanada Puntland,waxaana shirkan ay masuuliyiinta wasaaradu la yeelanysaa bahda saxaafadda iyo ururada maxaliga ah ee wasaarada kala shaqeeye arimaha talaalka iyo adeegyada kele ee caafimaad ololahani inta uu socdo. Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr.Maxamed Xirsi Ducaale oo shirkan furay ayaa sheegay in barnaamijkan maalmaha caafimadka oo muddo ka soo socday Somalia oo dhan ay Puntland qiimayntii la sameeyey ka gashay kaalinta koowaad,haddana la doonayo in la sii dardar geliyo si loo horumariyo arimaha talaalka dalka oo dhana la gaarsiiyo. Ololaha maalmaha caafimaadka caruurta ayaa si toos ah u bilamaya 11,March,2011,waxana la marin doonaa dhamaan deeganada Puntland,iyadoona deegayda caafimaad ee la bixinayo ka mid ah Faytamiino,biyosifeeysan iyo talaalka lixda cudur ee dilaaga ah caruurta dadoodu ka yar tahay 5-sanno jir. Barnaamijkan wasaaradda caafimaadka waxaa ka tageera hay'adaha UNICEf iyo WHO,waxaana qayb-weyn waycigelinta ka qaata qalabka warbaahinta oo dawr ku leh inta uu socda barnaamijyo iyo fariimo faa'dada talaalkana baahiya. Audio http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Diyaargarowga_ololaha_caafimaadka_caruurta.shtml Quote Share this post Link to post Share on other sites