Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Marine Force News

Recommended Posts

Dr_Osman   

Puntland's long coastline

puntland-map-450x342.gif

 

Puntland Marine Police Forces Train in Qaw - Photo: Somalia Report

PMPF_in_Qaw-450x337.png

 

EYL: Ciidamada Badda ee Puntland oo gaaray Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal.

March 3, 2012 12:09 am GMT - Written by Yusuf - Edited by Yusuf

 

Cutubyo hordhac u ah Ciidamada Badda Puntland ee loo yaqaan Puntland Marine Police Force (PMPF) ayaa maanta gaaray degmada Eyl ee gobolka Nugaal , halkaas oo sida la sheegay ay ka bilaabi doonaan howlgalo ka dhan ah burcad badeeda badweynta Hinyada.

 

Sida ay baahisay shabakadda afka English-ka ku soo baxda ee Somalia Report waxa halkaas ka socda dhismaha garoon diyaaradeed iyo xarun ay ciidamadaasi degaan.

 

Ciidamada badda ayaa horay waxay saldhig ugu lahaayeen degaanka Qaw ee agagaarka Boosaaso, waxayna imaatinkooda Eyl muujinaysaa inay ciidamadaasi bilaabi doonaan howgalkoodii ugu balaarnaa tan iyo markii la asaasay.

 

Eyl waxa ay ahayd halkii ay burcad badeedu ku xooganaan jirtay wixii ka horeeyey 2010, waxase burcad badeedu degaankaas ka guurtay markii ay cadaadis badan kala kulmeen shacabka degaanka.

 

Dadweynaha degamada Eyl ayaa si heer sare ah u soo dhoweeyey imaatinka Ciidamada badda, iyadoo looga hortagey meel ka baxsan magaalada.

 

Puntland ayaa dadaal ugu jirta inay ka sifayso haraadiga burcad-badeeda degaanada ay ka taliso, waxaana xusid mudan wafti heer wasiiro ah maalmahaan ku sugan yihiin degaanka Garacad, halkaas oo ay burcad badeedu kala kulmeen cadaadis u eg kii ay kala kulmeen Eyl.

 

Garacad waxa ay noqon kartaa saldhiga 3-aad ee samaystaan Ciidamada badda Puntland, halkaas oo ah degaanka ugu dambeeya burcad-badeeda xeebaha Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Eng. Said Mohamed Rage

Wasiirka-wasaarada-gaadiidka-badda-deked

 

Faah faahin: kulan dhex maray hoggaanka ciidamada badda NATO iyo mas’uuliyiin Puntland ka tirsan

Updated:- 13 hours ago| 3 Commnets

 

Waxaa maanta kulan yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland iyo saraakiisha ugu sareeya ciidamada NATO ee howgalka la dagaalanka Burcad-badeeda u jooga xeebaha deriska la ah dalka Soomaaliya.

 

Mas’uuliyiinta dowladda ee kulankaas ka qayb qaatay oo uu horkacayo Wasiirka gaadiidka badda, dekedaha, iyo la dagaalanka Burcad-badeeda ee Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa waxaa sidoo kale ku jira agaasimaha la dagaalanka Burcad-badeeda ee Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Duceysane), wasiir ku-xigeenka arimaha gudaha Cali Yuusuf Cali (Xoosh), guoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey), maamulka degmada Jiriiban iyo qaar kamid ah madaxda dhaqan.

 

Wasiirka wasaaradda gaadiidka badda, dekedaha, iyo la dagaalanka Burcad-badeeda ee Puntland Siciid Maxamed Raage oo waxyar kadib markii uu kulankaasi soo gaba gaboobey warbaahinta Horseed Media u waramay ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen saraakiisha ciidamada badda NATO ee ay maanta kulanka yeesheen.

 

Wuxuuna sheegay inay isla soo qaadeen arimo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen:

 

Sidii xeebaha u dhexeeya deegaanada Jiriiban iyo Garacad looga sifeyn lahaa xooxaha Burcad-badeeda ah.

Sidii dhinaca dhulka Burcad-badeeda loogala dagaalami lahaa, si looga hortago inay badda u weerar tagaan.

Sidii shaqo abuur iyo barnaamijyo horumarineed looga hirgelin lahaa degmada Jiriiban iyo deegaanada hoostaga, ammaankoodana loo xoojin lahaa.

 

Kulanka ay maanta yeesheen hogaanka ciidamada NATO iyo mas’uulyiinta dowladda Puntland ka tirsan ayaa ka dhacay dusha markab dagaal oo ay ciidamadaasi leeyihiin kaas oo ku sugan meel u dhow xeebaha degmada Jiriiban ee gobolka Mudug.

 

Waana markii 2-aad oo ay hogaanka ciidamada NATO oo ay xiligan hayso dowladda Turkigu ay la kulmaan mas’uuliyiinta ugu sareysa wasaarada dekedaha, gaadiidka badda, iyo la dagaalanka Burcad-badeeda muddo labo bilood gudeheed ah.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

''Garacad waa laga sifeeyey kooxihii burcad ahaa''

2 Mar 2, 2012 - 8:42:19 AM

 

Degmada Garacad ee gobolka Mudug ayaa waxa maanta 2,March 2012 kulan ku yeeshey masuuliyiin ka tirsan Puntland iyo sarakiil kasocda ciidamada NATO oo qayb ka ah hawlgalka caalamiga ah ee la-dagaalanka burcad badeeda.

 

Agaasimaha hayada la-dagaalanka burcad badeeda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir Duceysane oo Radio Garowe la hadlay ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen ciidamada NATO ay qayb ka ahaayeen dadweynaha ku dhaqan degmada Garacad qaybahooda kala duwan.

 

Safarkan ayuu sheegey in ku weheliyeen wasiirka dekeddaha ,gaadiidka badda iyo la-dagaalanka burcad badeeda Eng.Siciid Maxamed Raage ,kuxigeenka wasiirka arrimaha gudaha Cali Yuusuf Cali Xoosh ,gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusud Tigey iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda.

 

Duceysane waxa uu raaciyey intaasi in Garacad oo horey fariisin u ahayd kooxaha burcad badeeda ah haaatan gebi ahaan laga sifeeyey kadib dadaalo ay siwadjir ah u galeen maamulka iyo shacabka ku dhaqan halkaasi oo soo kartey dhibaatada burcadnimadu.

 

Kulan ay la qaateen qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan halkaasi ayuu sidoo kale tilmaamey Duceynsane oo ay kawada hadleen qaabkii looga wada shaqayn lahaa ciribtirka iyo ka sifeynta degaanadan kooxaha burcada ah.

 

Isaga oo ka jawaabaya su’aal ahay maxay dowladu u qorsheysey dhalinta ku suga deehgaan xeebeedyada oo u hanqal taagaya burcadnimada? Ayuu shegeey Dueceysane in ay wadaan hirgelinta mashaariic xirfado kala duwan loogu sameynayo dhalinyarada si ay u maareystaan nolol maalmeedkooda.

 

Puntland ayuu sheegay in marar badan caalamka hor geysey qorshaha ah in burcada lagala dagaalamo dhulka oo marka hore iska soo abaabulaan,waxana uu cadeeyey in qayb ka tahay wacyigelino iyo baraarujino loo sameynayo shacabka ku dhaqan deegaan xeebeedyada Puntland oo loo soo bandhigayo dhibaatadooyinka burcadnimada.

 

Waxa uu amaaney agaasimaha la-dagaalanka burcada Puntland dadweynaha ku dhaqan Garacad iyo Jariiban oo go’aansadey deegnaakoodu inuusan ka sii socon falalka burcad nimada ah isagoona sidoo kale tusaale u soo qaatey degmada Eyl ee gobolka Nugaal oo horey uga fushey talaabadan.

 

Ugu danbeyntii ayuu sheegay Cabdirisaaq Maxamed Dirir in Puntland geed weliba u fuuleyso sidii ay dagaal ba’an ugu qaadi lahayd kooxhan oo uu ku tilmaamey kuwo sumcad xumo u soo jiidey Somalia guud ahaan ,isagoona ku darey in caalamka oo idil ay kawada simanyihiin la-dagaalnkooda.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

So those do-gooders who always criticise puntland not fighting against piracy at eyl and garacad, where are you? those do-gooders are saying that anti piracy efforts are being focussed only in las qoray-ceelayo-bargaal zones which is totally incorrect and as you can see the anti piracy efforts have reached garacad and eyl.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Somalia: Puntland Marine Police Force begin operations in Eyl

 

4 Mar 4, 2012 - 5:18:01 AM

 

GAROWE, Somalia Mar 4 2012 (Garowe Online) – Puntland Marine Police Force (PMPF) have begun operations in the coastal city of Eyl, Garowe Online reports.

 

The small unit consisting of more than 200 troops was sent to Eyl a coastal town 155km east of Garowe. The government coordinator for the PMPF Abdirasak Mohamed Hidig who spoke to reporters said that President Abdirahman Mohamed Farole requested that the PMPF were sent to coastal towns to begin anti-piracy operations.

 

The troops will also be assisting in the construction of an airstrip and other development programs in Eyl to strengthen the presence of the marine force on the coast of Puntland. Mr. Hidig said that in the coming future PMPF would be sent to Bargal, Gara’ad, Qandala and Las Qoray to begin anti-piracy operations in these coastal communities.

 

Training and recruitment of troops for the PMPF has been increased as the Puntland government strives to bring piracy in Puntland to an end.

 

PMPF have conducted operations in the coastal town of Qow to curb the illegal smuggling of persons to nearby countries such as Yemen. But this is the first anti-piracy operations in Puntland that the PMPF will conduct and according to Mr. Hidig there are more operations planned for the future.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this