Sign in to follow this  
Dr_Osman

The Mehri Suldaan Welcomes Mehri Somali Community To Their Worldwide Clan Conference. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Suldaanka Guud ee Mahra oo soo dhaweeyay Xubno ka mid ah Gudoonka sare ee Mahra Soomaaliya

 

Fadhi iyo soo dhaweyn aad u sareysa ayaa waxa loo sameeyay xubno wafti ah oo ka socda Gudoonka Sare ee Mahra, kuwaa oo kasoo kicitimay wadanka Great Britain, si ay qayb uga noqdaan qabanqaabada shirweyne lagu jiro abaabulkiisa, dhawaanna la filyo qabashadiisa.

 

Soo dhaweynta xafladan ayaa ka dhacday hoyga Imaaraatka uu ku leeyahay Suldaanka guud ee Mahra Suldaan Cabdalla Bin Ciisa, iyadoo ay kasoo qaybgaleen xubno ka mid ah gudiga loo xilsaarey qabanqaabada shirweynaha Mahra ee dhawaan la filayo.

 

Ugu horeyntii Suldaanka ayaa gacmo furan iyo kalgaceyl ku soo dhaweeyay xubnihii waftiga oo kala ahaa Mudane:Muxyadiin Xusseen Ciid, iyo Mudane: Bashiir Xassan Xaaji, Dr. Xassan Haaji Abuukar, ayagoo ka gudoomay Suldaanka iyo xubnaha kaleba soo dhaweyntaas.

 

Kagadaal ayaa waftigu u gudbiyay fariin qoraal ah oo uu kawadeen Gudoonka sare ee Mahra Soomaaliya, taasoo nuxurkeedu ahaa siyaasada guud ee mustaqbalka iyo aayaha danbe ee Shacabi weynaha Mahra.

 

Suldaanka ayaa soo dhaweeyay fariintii qoraalka aheyd, asagoo aad ugu riyaaqay aragtiyadii qiimaha badneyd ee fariintaasu xambaarsaneyd, waxa uuna mahadnaq iyo amaanba usoo jeediyay hawlaha muhiimka ah ee Gudoonka sare ee Mahra isku xilqaameen, asagoo yiri " Laa shukra calaa waajib".

 

Intaa kadib ayaa waxa la galay qorshihii qabanqaabada shirweynaha Mahra, ayadoo laga doodayay halka iyo goobta ugu macquulsan ee Shirweynahaasi noqon doono in lagu qabto, ayadoo laga fiirsanayo waqtiga ugu macquulsan ee u saamaxeysa xubnaha la rajeynayo in ay ka qaybgalaan fadhigaas. Falanqeyn ka dib waxaa loo xilsaarey qorshahaas xubno dhawr ah oo isku soo duba rida qaabka uu u dhici doono shirkaas. Ugu danbeyn ayaa Suldaanku waxa uu hadiyad ahaan u gudoonsiiyay Sawirkii geedka Suqadara Caanka ku aheyd, laguna magacaabo "BloodDragon" Mudane:Muxiyadiin Ciid, asagoo Muxiyadiinna uga mahadceshay Suldaanka hadiyadaa qaaliga ah.

 

01.jpg

02.jpg

04.jpg

06.jpg

08.jpg

05.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Remember guys the mehri community are our cousins, very close related to the famous man who found the largest and most powerful clan in Somalia. So this meeting between the mahra community worldwide and especially the somali branch is excellent way to keep streghten historical and blood ties between the clan families of mahra. VIVA MAHRA

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this