Sign in to follow this  
Saalax

Yaa hortaagan in Dowladda KMG ahi bixiso waraqda aqoonsiga ee Maamulka Khaatumo State?

Recommended Posts

Saalax   

Friday, March 2nd, 2012 | Posted by horufadhi

Maamulka Khaatumo State oo Jawaab culus kabixsay hadal kasooyeedhay masuuliyiin katirsan Puntland Digniina jeedisay (Sawiro+Dhegayso)

 

 

Maamulka Khaatumo state ayaa siwayn uga soo horjeesatay waxba kamjiraana ku tilmaantay in ciidamo ka joogaan maamulka Puntland magaalada Buuhoodle ee Xarunta gobolka Cayn.

Wasiirka armihaa gudaha maamulka Khaatumo State Yaasiin Axmed Sulub oo maanta Shirjaaid ku qabtay Aqalka Madaxtooyada maamulka Khaatumo State ee Magaalada Buuhoodle waxa uuna jawaab kulul kabixiyey hadalo sheegaya in maamulka Faroole ay ciidamo kajoogaan magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn, waxa uuna sheegay inaytahay waxba kama jiraan arinkaasi hadii ciidamo kajoogi lahayeena la arki lahaa.

Wasiirka ayaa waxa uu digniin culus udiray Masuuliyiinta kasoo jeeda deeganada Khaatumo State ee kujira maamulkaasi inay faraha kala baxaan Arimaha aan salka iyo raadka toona lahayn ee lamarinayo saxaafada sidoo kalana waxa uu sheegay wasiirku inay talaabo cad ka qaadi doonaan hadii markale arinkaas oo kale uu dhaco. HALKAN KA DHAGAYSO

Dhinaca kale waxaa isna shirkaasi ka hadlay Maxamuud Shiikh Cumar oo Ah Afhayeenka Bulshada Deegaanka Buuhoodle waxa uuna wax lagu qoslo ku tilmaamay Maamulka Puntland oo aan weligii gaadhi dameer keenin magaalada Buuhoodle inuu sheegto ciidamo ayaa naga jooga magaalada Buuhoodle, waxa uuna waxba kama jiraan ku tilmaamay Hadal kasoo yeedhay qaar kamida masuuliyiin ka musha haar qaata maamulkaasi oo sheegay in ciidamo tirabadan ay ka joogaan Magaalada Buuhoodle. HALKAN KA DHAGAYSO

Isku soo wada duuboo hadalkan kasoo yeedhay Maamulka Khaatumo State ayaa imaanaya xili dhawaan wasiirka kalluumaysiga maamulka Puntland uu sheegay in ciidamo tira badan ay ujoogaan Magaalada Buuhoodle – waxaana sheegashadaasi si wayn uga soo horjeestay Maamulka Khaatumo State iyo Dhamaan shacabwaynaha deegaanada Sool- Sanaag iyo Cayn.

 

 

Horufadhi News Desk

horufadhi.com@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this