Sign in to follow this  
kingofkings

Wasaarada Caafimaadka PL oo tababar u qabatay Dhakhaatiir

Recommended Posts

Garowe: Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa tabobar u qabatey Dhakhaatiir, Umulisooyin iyo kalkaaliyeyaal caafimaad waxaana tabobarkan uu ka dhacay Wasaaradda Caafimaadka ee Garowe.

 

Aqoon iswaydaarsigan oo 4 casho qaatey waxaa lagu baranayey habraacyada isku dhafan ee lagu maareeyo Uurka, Xiliga dhalmada iyo daryeelka dhalaanka. Tabobarkan waxaa xiritaankiisii kasoo qaybgalay Wasiir ku xigeenka Koowaad ee wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Xirsi Ducaale, Wasiir ku xigeenka labaad ee Wasaaradda Zaynab Ugaas Yaasiin, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Dr. C/risaaq Xassan Ciise, Wakiilka WHO ee Puntland Dr. Cali Cabdi Ciise, UNFPA iyo marti kale.

 

Tabobarkan waxaa iska kaashaday WHO, UNFPA iyo Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyadoo macalimiinta casharada bixinayayna ay ka socdeen WHO iyo UNFPA oo labaduba ah labo hay’adood oo caalami ah Wasaaraddana kala shaqeeya dhinaca caafimaadka.

 

 

Dr. Hayfa Elamin oo ka socday WHO una qaabilsan dhinaca Caafimaadka taranka (Reproductive Health) ayaa mahadcelin balaaran usoo jeedisay wasaaradda caafimaadka iyadoo uga mahadcelisay sida ay ugala shaqeeyeen tabobarka, waxay kaloo u mahadcelisay kasoo qaybgalayaasha oo si wanaagsan uga qaybqaatey casharada iyadoo sheegtey in si wanaagsan ay uga wada doodeen iyagoo kooxo kooxo ah. Waxay ka codsatey dadka tabobarka qaadanayey inay u faa’ideeyaan dadkooda iyo dalkooda oo aysan waxa ay barteen uga dhaqaaqin xarunta wasaaradda caafimaadka oo ay tabobarka ku qaadanayeen.

 

 

Qaar ka mid ah dhakhaatiirtii tabobarka la siinayay ayaa ka mahadceliyey casharadii lasiiyey iyo habraacyada isku dhafan ee lagu maareynayo uurka, waxayna sheegeen inay wax fiican ka faa’idaysteen macalimiinta casharada bixinayay iyagoo uga mahadceliyey dadaalka balaaran, waxay kaloo u mahadcesheen wasaaradda caafimaadka iyo hay’adda WHO iyo UNFPA.

 

Wakiilka WHO ee Puntland Dr. Cali Cabdi Ciise ayaa isaguna ka Hadley xiritaankii tabobarka wuxuuna sheegay in baahi weyn loo qabay tabobarka ujeedkuna uu ahaa in la tayeysiiyo aqoonta dadka ka shaqeeya caafimaadka gaar ahaan Caafimaadka taranka (Reproductive Health Care), wuxuu codsaday in la raaco habraacyada iskudhafan oo uu sheegay dhakhtarku inay yihiin habraacyo (Guidelines) ay soo diyaarsheen dad aqoon durugsan u leh caafimaadka haysatana waayo aragnimo balaaran. Dhakhtarku waxa uu intaas ku darey inay masuuliyad ka saaran tahay dadka ka shaqeeya caafimaadka hooyada iyo dhalaanka inay daryeelaan lagulana xisaabtamayo.

 

Wasiir ku xigeenada labaad ee Wasaaradda Caafimaadka Zeynab Ugaas Yaasiin ayaa iyaduna sheegtey inay ku faraxsan tahay tabobarkan oo muhiimad weyn u leh wasaaradda caafimaadka iyadoo sheegtey inay wasaaraddu qabanayso tabobaro kuwan oo kale ah, waxay ka codsatey dhakhaatirtii, Umulisooyinkii, kalkaalisooyinkii iyo ardeydii machadyada ee tabobarka la siiyey inay uga faa’ideeyaan bulshooyinkii ay ka yimaadeen.

 

Ugu danbeyntii ayaa tabobarka waxaa ka hadlay soona gunaanaday Wasiir ku xigeenka koowaad ee Wasaaradda caafimaadka ahna ku simaha wasiirka Dr. Maxamed Xirsi Ducaale. Wasiirku waxa uu u mahadceliyey hay’addaha WHO iyo UNFPA iyo waliba macalimiintii sida gaarka ah casharada u bixinaysay. Waxa uu sheegay in tabobarkan uu ka mid ahaa tabobarada ay wasaaraddu ku teyeysiinayso aqoonta bahda caafimaadka ee Puntland, waxa uu kula dardaarmey kasoo qaybgalayaashii tabobarka qaatey inay meelihii ay ka yimaadeen uga faa’ideeyaan ayna ku tabobaraan dadkii ay ka yimaadeen wixii la barey ee aqoon ahayd. Buugaag laga bixiyey tabobarka oo afka Ingiriiska ku qoran ayaa wasiirku waxa uu sheegay inay wasaaraddu u badali doonto afsoomaali markaasna loo qaybinayo buugaag afsoomaali ku qoran xarumaha caafimaadka si loo wada fahmo habraacyada lagu maareeyo Uurka, Xiliga dhalmada iyo daryeelka dhalaanka marka ay dhashaan.wasiirku ugu danbeyn waxa uu dadkii gobalada ka yimid ugu duceeyey in ilaahay nabad ku gaarsiiyo guryahoodii.

 

sawir-guud-532x300.jpg

Shugri-oo-ka-mid-ah-dadkii-ka-qaybgalay-

1-532x300.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this