Sign in to follow this  
kingofkings

Siilaanyo: “walaalaha Soomaaliyeed waan isku dayeynaa inay na fahmaan”

Recommended Posts

Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa sheegay in uu qorsheynayo sidii uu dhowaan wadahadal ula furi lahaa madaxda dowladda FKMG ah ee Soomaaliya.

 

Siilaanyo ayaa warkan sheegay mar uu u waramayey laanta afka Soomaaliga ku hadasha ee Idaacadda BBC, wuxuuna tilmaamay in talaabadaasi ay tahay mid maamulkiisu uu u qaadi doono sida ugu dhakhsaha badan.

 

Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo kamid ahaa madaxdii dhowaan ka qayb galay shirkii arimaha Soomaaliya looga hadlayey ee ka dhacay magaalada London ayaa soo dhoweeyey go’aankii shirka lagu gaarey ee ahaa in maamulka Somaliland uu la hadlo madaxda FKMG ee dalka.

 

Wuxuuse tilmaamay inay ula hadlayaan sidii laba dowladood oo deris ah isagoo xusay in waxyaabaha uu kala hadli doono ay kamid tahay sidii Somaliland ay madaxbanaani u heli lahayd arintaasoo horay Somaliland ay ugu arkeysey mid aan Soomaalida waxba kaga xirneyn hadase u muuqata mid lagama maarmaan noqotay.

 

” Shirkii waxaa kasoo baxday in Soomaaliya iyo Somaliland ay wada hadlaan, taasna waxaan u aragnaa in maslaxadeenu ay ku jirto, waana inaanu danahayaga mar walba sheegan karno, oo aan dunida hor dhigi karo, walaalaheena Soomaaliyeedna hor dhigi karno “ Siilaanyo ayaa yiri.

 

Wuxuuna intaas raaciyey: “go’aankii shirka kasoo baxay ee ahaa in aan Soomaaliya la hadalno waxaan u aragnaa inaan wixii danaheena ah kala hadalno, dad walaala ah baan nahay, wixii madax banaanideena khuseeya ayaan kala hadlaynaa, walaalaheen waanu ka qancineynaa arintaas waxaanuna jecel nahay inay nala fahmaan”

 

Si kastaba ha ahaate xukuumadda Somaliland oo sheegata inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa horay u shaacisay in madax banaanideedu ay tahay mid muqaddas ah, cid hor istaagi kartaana aysan jirin, Soomaalidana aysan waxba kaga xirnayn.

 

Haseyeeshee hadalka kasoo yeeray madaxweyne Siilaanyo ee ah in uu la hadlayo madaxda dowladda FKMG ah ee Soomaaliya isagoo isku deyaya inuu ka dhaadhiciyo sidii Somaliland madaxbanaanideeda uu uga dhameyn lahaa ayaa ah mid muujinaya mowqifka ay beesha caalamku ka taagan tahay in Somaliland loo aqoonsado dal Soomaaliya ka go’ay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is great development; I commend Siilaanyo and praise him for this courageous decision, the days of 'Mahorfariisanayno or lama hadlayno' are over.

 

Wuxuuna intaas raaciyey: “go’aankii shirka kasoo baxay ee ahaa in aan Soomaaliya la hadalno waxaan u aragnaa inaan wixii danaheena ah kala hadalno, dad walaala ah baan nahay, wixii madax banaanideena khuseeya ayaan kala hadlaynaa, walaalaheen waanu ka qancineynaa arintaas waxaanuna jecel nahay inay nala fahmaan”

That's true, waa in Somalidu danahooda kawada hadlaan iyo wixi dantu uguwada jirta.

 

 

It looks like the table is finally turning for Somalia, and things are picking up incredible speed before the June conference in Istanbul. Hope for peace and prosperity for all and throughout Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I don't think there will be talks with this tfg govt but there might be talks after the transition period ends.Somaliland always wanted to talk to a govt in somalia nothing really changed as the president said sidi anu walalaheen reer somalia anu jaar wanaagan ula noqon lahayn

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

I have never doubted Siilanyo could pull this off in a matter of months. He will truly get a place in history for his courage, wadanimo, somalinimo and inu somalida Kulmiyay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this