Sign in to follow this  
Somalia

Violence in Hargeisa, Somaliland region, 1 person dead, several injured

Recommended Posts

Somalia   

Hargeysa (HWN)- Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa maanta badhtamaha magaaladda Hargeysa ka fulisay hawl-galkii ugu balaadhnaa ee ay ku Habaynayso suuqa Waaheen, waxaanay dumisay sandaqado, iyo miisaska bacadyaalka ah ee lagu iibiyo badeecado kala duwan.

Hawl-galkan oo ay hoggaaminayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraalle (Duur) iyo Duqa caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, waxa ka qeyb qaatay shaqaalaha dawladda Hoose ee Hargeysa iyo ciidanka birmadka ee Booliska, waxaanay dumiyeen sandaqadihii iyo miisaskii ku teedsanaa wadada D/Hoose illaa Saldhiga dhexe ee Hargeysa, halkaasi oo ay baneeyeen dhammaan wixii meherado yar yar ahaa ee cidhiidhiga ku hayay jidka wadnaha ee magaaladda Hargeysa.

 

u_59722d_2012-2-29-19-32-3f_Sawir%20Muuq

 

Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo ka hadlay hawl-galkaasi wuxuu yidhi Dalkeenii imika waxa la doonayaa in caasimada ay u ekaato magaallo madax oo ictiraafkii ayaa inagu soo dhow. Marka ma doonayno in billic xumadda iyo dadkan is-dhexyaala oo waddooyinka la baneeyo oo dadka xuquuqda lihii waa dadka dhismayaasha leh oo cid hortagi karta laba rabo.Sidaa ayuu yidhi Maayarka caasimada hargeysa oo ka hadlayey dawladda hoose ee hargeysa oo biloowday hawlgalo ay ku bananaysay jidadka caasimada.

 

Maayarka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi Dadku marka bakhaaro wada banaanbaa jira oo cidii kiraysan kartaa ha kiraysato intii kalena waxaanu ugu talo-galay meelo magaalada dabadeeda ah. Ilaa saddex iyo toban sareebadood oo cusub ayaanu samaynay oo dadka danyarta ahi magaalada dibada hawga baxaan.

 

Hawl-galkan waxa ka horyimid dhalinyaro ka mid ahaa dadka ku ganacsada meheradaha hortooda oo ciidammadda booliska ku soo weeraray mindiyo ilsa markaana taayiro ku gubay wadada, kuwaasi oo aakhirkiina la sheegay inay Booliska ku rideen rasaas.

 

Intaasi ka dib rasaas ay boolisku doonayeen inay ku kala kaxeeyaan dhalinyaradii rabashadaha sameynayay waxa la sheegay inay ku dhaawacmeen sadex qof oo midi ku dhaawac dhintay cisbitaalka guud. Waxa ciidanka Boolisku rasaas ay rideen ku dhintay Cabdi Axmed Aadan oo 40 jir ah siday xaqiijiyeen maamulka cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa. Sidoo kale, waxay maamulka cisbitaalka guud sheegeen inay la tacaalayaan C/Raxmaan Maxamuud Maxamed oo ku dhaawacmay hawl-galkaasi.

 

Dhinaca kale, dadweynaha ku dhaqan magaaladda Hargeysa ayaa maanta soo dhaweeyay wadada la baneeyay, waxaanay xuseen in cidhiidhigii laga qaaday wadada badhtamaha magaaladda Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland ayaa maalintii labaad waxaa laga wadaa burburin goobaha ganacsi oo ay shacabka wadooyinka hareerahooda ka dhisteen, ayadoo maalinimadii shalay shaqaaqo ka dhacday magaalada uu ku dhintay 1 qof.

 

Dowladaha Hoose ee magaalada Hargeysa ayaa shalay bilowday inay burburiso goobaha ganacsi iyo sandaqadaha shacabka ay ka dhisteen wadooyinka waaweyn ee suuqa ku yaal bartamaha magaalada. Shalay ayuu halkaasi isku dhac ku dhexmaray shacab diidan hawsha dowlada wado iyo ciidamada Booliiska, rasaas halkaasi la isku dhaafsaday ayey ku dhaawacmeen sadex ruux oo shacab ah iyo labo askari oo booliis ah. Qof kamid ah dadkii halkaasi ku dhaawacmay ayaa u dhintay dhaawacii soo gaaray.

 

Maanta oo Khamiis ah ayey markale ciidamada booliiska oo adeegsanaya gaadiidka cagafta ay hawlagalada markale ka bilaabeen suuqa, ayadoo maanta aysan magaalada ka dhicin wax rabshado ah.

 

 

6794233590_4a6ba5ac17_z.jpg

6940350031_cc3c658a97_z.jpg

6940350031_cc3c658a97_z.jpg

IMG_0340.jpg

IMG_0348.jpg

IMG_0344.jpg

IMG_0343.jpg

IMG_0345.jpg

IMG_0347.jpg

IMG_0341.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo ka hadlay hawl-galkaasi wuxuu yidhi “Dalkeenii imika waxa la doonayaa in caasimada ay u ekaato magaallo madax oo ictiraafkii ayaa inagu soo dhow. Marka ma doonayno in billic xumadda iyo dadkan is-dhexyaala oo waddooyinka la baneeyo oo dadka xuquuqda lihii waa dadka dhismayaasha leh oo cid hortagi karta laba rabo

 

:D

 

I told you guys. Recongnition has always been used as a domestic instrument to make people more cooperative to demobilizing and disarm by visiulizing and promising a better future. Now even to clear the roads from illegal kiosks.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this