Sign in to follow this  
Dr_Osman

Galkayo Peace Conference Kick Starts With Some Big Name Isims At The Table. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

(Sawirro) Gudiga hormarinta, xaqiiqa raadinta iyo xal u helida khilaafaadka beelaha gobolka Mudug oo kulamo gooni gooni ah Gaalkacyo kula qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada.

 

Posted by Pi G 2 on March 1st, 2012

 

Gaalkacyo(puntlandi.com):- Sida uu Warbaahinta qaybaheeda kala duwan u sheegay C/raxman Warsame Jaamac oo ka mida gudiga Hormarinta, Xaqiiqa raadinta iyo xal u helida khilaafaadka beelaha Gobolka waxaa maalmahan soconayay kulama kala duwan oo ku aadan Xal u helida khilaafaadka beelaha gobolka gaar ahaan Gaalkacyo.

 

Gudigan oo ka kooban Aqoonyahano, Culimaa’udiin, Siyaasiyin iyo Waxgarad kala duwan oo isugu jira Qurba joog iyo xubno guda dalka ku sugan intii aysan ka soo ambabixin gobollada Bari iyo Nugaal waxay la soo kulmeen indheer garadka ka soo jeeda mudug, iyagoo Caasimada Puntland ee Garowe kula kulmay Siyaasiyinta ku jira xukuumada ee ka soo jeeda Gobolka Mudug.

 

Xubnahan oo khamiistii la soo dhaafay soo gaaray gaalkacyo ayaa markii ay yimaadeenba waxay guda galeen hawlihii ay u yimaadeen gaalkacyo iyagoo kulamana la bilaabay qaybaha kala duwan ee siyaasiyinta iyo bulshada rayidkaa, Kulankoodii ugu horeeyay xubnahan waxay la qaateen Islaan Bashiir Islaan C/dule oo ka mida isimada dhaqanka ee ugu caansan Puntland, waxaana kulankaasi uu ku dhamaaday is afgarad iyo farxad ku aadan labada dhinac, waxaana Islaanku uu xubnahan gudigaa ku booriyay inay hawsha sii wadaan una jeexay wadiiqooyin ay ku sii wadi karaan barnaamijkoodii ay halkan u yimaadeen.

 

C/raxman Warsame Jaamac oo ka mida gudiga ayaa APL u sheegay in kulankii dhex maray Islaan Bashiir iyo gudiga hormarinta,xaqiiqa raadinta iyo xal u helida khilaafaadka beelaha gaalkacyo in la isla soo qaaday shir weyne ka dhici doono degmada Bookh ee gobolka wardheere ee DDS ee Etoobiya.

 

Gudigan oo halkoodii ka sii waday kulamada qaybaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo ayaa kulan la qaatay Amiir Max ud yuusuf ciise oo ka mida Isimada dhaqanka ee gobolka Mudug waxaana kulankaasi uu ku dhamaaday guul, iyadoo ay ka wada hadleen qodobo kala duwan oo ay dan ugu jirto bulshada gobolka.

 

Beelaha Gaalkacyo ayaa ka mid ahaa xubnaha gudigan ay is arkeen waxaana kulan qiimo badan ay la yeesheen Cumar max u doo ah beesha kaliya ee ay hada kulanka la qaateen waxaana kulankaasi goob joog ka ahaa Nabadoono,Cuqaal iyo waxgarad kala duwan oo ka tirsan beesha.

 

Qaybaha kala duwan ee nabadoonada,Culimada diinta, iyo siyaasiyiin horay xilal kala duwan oga soo qabtay Puntland ayay sidoo kale la kulmeen, waxaana ay xiriir la sameyeen Shikh Max ed Sh C/lahi oo hada jooga Dubai iyadoo ay isla soo qaadeen ujoodooyinka ay culimada diinta ula kulmayaan.

 

www.puntlandi.com

 

90.jpg

91.jpg

94.jpg

86.jpg

87.jpg

89.jpg

100.jpg

 

Look at that city, nice and clean

154.jpg

156.jpg

157.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this