Dr_Osman Posted March 1, 2012 (Sawirro) Gudiga hormarinta, xaqiiqa raadinta iyo xal u helida khilaafaadka beelaha gobolka Mudug oo kulamo gooni gooni ah Gaalkacyo kula qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada. Posted by Pi G 2 on March 1st, 2012 Gaalkacyo(puntlandi.com):- Sida uu Warbaahinta qaybaheeda kala duwan u sheegay C/raxman Warsame Jaamac oo ka mida gudiga Hormarinta, Xaqiiqa raadinta iyo xal u helida khilaafaadka beelaha Gobolka waxaa maalmahan soconayay kulama kala duwan oo ku aadan Xal u helida khilaafaadka beelaha gobolka gaar ahaan Gaalkacyo. Gudigan oo ka kooban Aqoonyahano, Culimaa’udiin, Siyaasiyin iyo Waxgarad kala duwan oo isugu jira Qurba joog iyo xubno guda dalka ku sugan intii aysan ka soo ambabixin gobollada Bari iyo Nugaal waxay la soo kulmeen indheer garadka ka soo jeeda mudug, iyagoo Caasimada Puntland ee Garowe kula kulmay Siyaasiyinta ku jira xukuumada ee ka soo jeeda Gobolka Mudug. Xubnahan oo khamiistii la soo dhaafay soo gaaray gaalkacyo ayaa markii ay yimaadeenba waxay guda galeen hawlihii ay u yimaadeen gaalkacyo iyagoo kulamana la bilaabay qaybaha kala duwan ee siyaasiyinta iyo bulshada rayidkaa, Kulankoodii ugu horeeyay xubnahan waxay la qaateen Islaan Bashiir Islaan C/dule oo ka mida isimada dhaqanka ee ugu caansan Puntland, waxaana kulankaasi uu ku dhamaaday is afgarad iyo farxad ku aadan labada dhinac, waxaana Islaanku uu xubnahan gudigaa ku booriyay inay hawsha sii wadaan una jeexay wadiiqooyin ay ku sii wadi karaan barnaamijkoodii ay halkan u yimaadeen. C/raxman Warsame Jaamac oo ka mida gudiga ayaa APL u sheegay in kulankii dhex maray Islaan Bashiir iyo gudiga hormarinta,xaqiiqa raadinta iyo xal u helida khilaafaadka beelaha gaalkacyo in la isla soo qaaday shir weyne ka dhici doono degmada Bookh ee gobolka wardheere ee DDS ee Etoobiya. Gudigan oo halkoodii ka sii waday kulamada qaybaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo ayaa kulan la qaatay Amiir Max ud yuusuf ciise oo ka mida Isimada dhaqanka ee gobolka Mudug waxaana kulankaasi uu ku dhamaaday guul, iyadoo ay ka wada hadleen qodobo kala duwan oo ay dan ugu jirto bulshada gobolka. Beelaha Gaalkacyo ayaa ka mid ahaa xubnaha gudigan ay is arkeen waxaana kulan qiimo badan ay la yeesheen Cumar max u doo ah beesha kaliya ee ay hada kulanka la qaateen waxaana kulankaasi goob joog ka ahaa Nabadoono,Cuqaal iyo waxgarad kala duwan oo ka tirsan beesha. Qaybaha kala duwan ee nabadoonada,Culimada diinta, iyo siyaasiyiin horay xilal kala duwan oga soo qabtay Puntland ayay sidoo kale la kulmeen, waxaana ay xiriir la sameyeen Shikh Max ed Sh C/lahi oo hada jooga Dubai iyadoo ay isla soo qaadeen ujoodooyinka ay culimada diinta ula kulmayaan. www.puntlandi.com Look at that city, nice and clean Quote Share this post Link to post Share on other sites