Sign in to follow this  
kingofkings

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo Stockholm kula kulmey dhigiisa Sweden

Recommended Posts

Stockholm(Pi) Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Mohamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Stockholm ee Caasimada Sweden kula kulmay Ra’iisal wasaaraha Sweden Fredrik Reinfeldt, kulanka waxaa isna goobjoog ahaa Kuxigeenka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ahna Wasiirka Ganacsiga Cabdiwahaab Ugaas.

 

Labada Raysal wasaare ee Soomaaliya iyo Sweden waxay ka wada hadleen Xaalada Soomaaliya, iyadoo booqashada Raysal wasaaraha Soomaaliya uu ku joogo Sweden ahayd martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Dowlada Sweden.

 

Ra’iisal wasaaraha Sweden Fredrik Reinfeldt wuxuu sheegey in Dowladiisu diyaar u tahay inay ka qaybqaadato dib udhiska Soomaaliya iyo dhiiri galinta Qorshaha kala guurka siyaasada Soomaaliya(Roadmap).

 

Ra’iisal wasaare ku xigeenka soomaaliya ahna Wasiirka Ganacsiga Cabdiwahab Ugaas ayaa isagu kamid ahaan jiray Qurbajoogta Soomaaliyeed ee Reer Sweden.

Habaynka khamiista ayaa Waftiga Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya waxay magaalada Stockholm kula kulmayaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee Sweden.

 

Ra’iisal wasaare Gaas wuxuu booqasho dheer ku marayay Wadamo ka tirsan Midowga Yurub isagaoo safarkiisa kasoo bilaabay Dalka Biljamka, Uk, Norway iyo Sweden oo uu hada joogo.

 

gaas-Sweden-e1330556668209.jpg

gaas-Sweden7-e1330556838897.jpg

gaas-Sweden4-e1330557110904.jpg

gaas-Sweden3-e1330557475767.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this