Sign in to follow this  
Dr_Osman

Qardo: Humanitarian Relief Campaign Begins To Assist 2000 Somali IDPS Kids and 500 Women. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Hay’adda HADO oo Barnaamij nafaqeyn ah Qardho ka wadda [sawiro]

 

Updated:- 45 mins ago| 0 Commnets

 

Hey’adda HADO oo ka mid ah NGOyada ka howlgala magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa ka hadashay sida ay u socdaan barnaamijyada nafaqeynta caruurta gaar ahaan labada mashruuc BSFP oo ah mashruuc loogu talagalay in caruurta ka yar Saddaxda sano ay ka faa’iideystaan iyaga oo qaadanaya Buskudka Plumpy Doz oo ah raashiin iyo daawo isugu jirto kaas oo loogu talagalay in ay kor u soo qaado heerka nafaqada caruurta iyo Mashruuca TSFP oo ah Mashruuc ay ka faa’ideysanayaan Hooyada uurka le, Hooyada Nuujineysa iyo Caruurta ka yar shanta sano ee la iildaran Nafaqo darada waxa ayna helaan Raashiinka shaqsiga iyo raashiinka qoyska.

 

Gudoomiyaha Hey’adda HADO Mudane C/qani Daahir Yuusuf oo la hadlay Warbahinta Horseed Media ayaa sheegay in labadana mashruuc ay si weyn ugu faa’ideysteen caruur gaareysa illaa labo kun oo caruur ah iyo haween gaara illaa shanboqol oo isugu jira Hooyada Nuujisada iyo tan uurka leh oo bil walbo helo raashiinka loogu talaagalay in lagu soo celiyo heerka nafaqada, gudoomiyaha ayaa xusay in mashaariicdaan ay la wadaan hey’adda cuntada u qaabilsa aduunka WFP isaga oo intaasi ku daran in Mashruuca TSFP ay ka wadaan Guud ahaan gobolka Karkar iyo Gobolka bari.

 

Dadweyne aad u farabadan oo ka faa’ideystay labadaan mashruuc ayaa waxa ay ka midyihiin Barkacayaasha ku nool magaalada Qardho, waxaana ka mid ah qoysas ka soo cararay abaarihii ku dhuftay koonfurta somaliya waxa ayna si weyn ugu mahad celiyeen NGO HADO sida oo raashiinka iyo Buskuda Plumpy Doz ugu qeybiyey, waxa ayna codsadeen in Hey’adaha kale ay la soo gaareen Maacuun iyo Teendhooyin, iyo bustayaal ay ka galaan dhaxanta maadama magalada Qardho ay xiligaan ka jiro qabow aad u daran iyadoo IDPSyada ay ku noolyiin guryo ka sameysan cooshado.

 

Mashaariicdaan ayaa waxa ay ku soo aadeen xilli barakacayaasha ku nool magaalada Qardho ay baahi weyn u qabeen in ay helaan xarun ay ka helaan nafaqeynta caruurta, maadama ay u nugulyihiin in ay soo wajahdo Nafo daro taas oo keeni karto hadii aan laga hortagin in caruur badan ay u geeriyoodaan.

 

Cabdiraxmaan Maxamed Cali [black]

Horseed Media

Qardho

 

Abshir_Barre_Samatar_Arbush..jpg

BSFP-Project-in-Gardo-By-HADO-NGO-1.jpg

BSFP-Project-in-Gardo-By-HADO-NGO-2.jpg

BSFP-Project-in-Gardo-By-HADO-NGO-4.jpg

BSFP-Project-in-Gardo-By-HADO-NGO-12.jpg

BSFP-Project-in-Gardo-By-HADO-NGO-16.jpg

BSFP-Project-in-Gardo-By-HADO-NGO-21.jpg

BSFP-Project-in-Gardo-By-HADO-NGO-22.jpg

BSFP-Project-in-Gardo-By-HADO-NGO-35.jpg

BSFP-Project-in-Gardo-By-HADO-NGO-40.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this