Somalina Posted February 28, 2012 http://www.jowhar.com/?p=681 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted February 28, 2012 Talaado, Feberaayo 28, 2012 (HOL) — Guddiga madaxa-bannaan ee dastuur u sameynta Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu soo guuray Muqdisho, sida ay mas'uuliyiinta ka tirsan dowladda iyo xubnaha guddigan saxaafadda ugu sheegeen maanta oo Talaadah ah garoonka diyaaradaha Muqdisho. Xubnaha guddigan oo dhameystiran horayna ugu shaqeyn jiray dalalka Kenya iyo Jabuuti ayaa kasoo dagay garoonka Muqdisho waxaana kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda KMG Soomaaliya. "Guddigan haddii uu markii hore ku shaqeyn jiray Nairobi iyo Jabuuti, maanta wixii ka dambeeya wuxuu ku shaqeynayaa Muqdisho halkan ayuuna u soo guuray," ayuu yiri wasiir-u-dowladaha wasaaradda dastuurka iyo arrimaha federaalka DKMG ah Xuseen Maxamed Jaamac. Guddoomiyaha guddiga dastuurka, Cabdullaahi Jaamac ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay kusoo dhameystiri doonaan qabyo qoraalka dastuurka ayna ku shaqeynayaan wixii maanta ka dambeeya Muqdisho. "Waxaan halkan (Muqdisho) u nimid sidii aan u dhameystiri lahayn dastuurka qabyo qoraalka ah ee Soomaaliya, si looga dhigi dastuur rasmi ah," ayuu yiri Jaamac mar uu saxaafiyiinta kula hadlay garoonka Muqdisho. Dastuurka la dhameystirayo ayaa lagu wadaa inuu noqdo dstuurka ay ku dhaqmi doonto dowladda joogtada ah ee Soomaaliya, waxaana ansixin doona 1,000 qof oo laga soo xulayo qaybaha bulshada, sida lagu gaaray heshiiskii Garoowe laba. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
walaalkis Posted February 28, 2012 good news. Everyone is slowly going to Mogadishu. Quote Share this post Link to post Share on other sites