Sign in to follow this  
Somalia

Puntland Security Forces Capture Al-Shabaab Shipment (Pictures)

Recommended Posts

Somalia   

 

Dhageyso wasiirka iyo taliyaha

 

 

Saldhigga dhexe ee Booliska degmada Boosaaso waxaa maanta lagu soo bandhigay gaari raashin iyo qalab u sidey kooxaha Galgala ee dhowaan shaaciyey inay ku biireen Al-shabaab.

 

Mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada amniga ee Puntland, Taliska sare ee ciidamada Booliska gobolka Bari, iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Daraawiishta oo saldhigga dhexdiisa Saxaafadda shir ugu qabtay ayaa ka warbixiyey qaabkii ay gaarigan usoo qabteen iyo meeshii uu ku socdey.

 

Jaamac Siciid Warsame (afguduud) oo ah taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan aagga Galgala iyo Sugurre ayaa ugu horeyn hadlay wuxuuna sheegay in gaarigan oo sida raashin ay qabteen ciidamadu isaga iyo sadex nin oo watey.

 

 

Wasiir ku xigeenka wasaarada amniga ee Puntalnd Cabdijamaal Cismaan Maxamed oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin sida ay ciidamada ammaanku gaarigan gacanta ugu soo dhigeen isagoo xusay in agabka gaarigaas lagu soo qabtay uu ahaa mid la rabay in dadka iyo dalka lagu waxyeeleeyo.

 

 

Axmed Cabdi Gurxan oo isna ahaa ninkii gaarigaasi u rarnaa ayaa gudaha saldhigga Saxaafadda kula hadlay wuxuuna sheegay in gaarigaasi uu isaga u rarnaa islamarkaana uu raashinka iyo qalabka lagu qabtay u sidey kooxaha ku sugan buuraleyda Golis.

 

 

Siciid Maxamuud Cartan oo ah dareewalka gaarigaas wadey ayaa sheegay in isagu uusan waxba kala socon arintan haseyeeshee gaarigiisa laga kiraystay kadibna ay ciidamadu soo qabteen xilli ay marayeen meel aan magaalada Boosaaso wax badan ka durugsanayn.

 

Waa markii ugu horeysey oo ay ciidamada ammaanka ee Puntland gacanta ku soo dhigaan gaari raashin iyo qalab u sidey xoogaga Galgala, waxayna arintani kusoo beegmeysaa xilli dhowr beri kahor ay shaaciyeen inay ku biireen xarakada Al-shabaab.

 

Galgala-lasoo-qabtay-1.jpg

Galgala-lasoo-qabtay-2.jpg

Galgala-lasoo-qabtay-3.jpg

Galgala-lasoo-qabtay-4.jpg

Galgala-lasoo-qabtay-5.jpg

Galgala-lasoo-qabtay-6.jpg

Galgala-lasoo-qabtay-7.jpg

Galgala-lasoo-qabtay-8.jpg

Galgala-lasoo-qabtay-9.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sensei   

Nimankaan intay goor goor tahay in la iska qabto weeyaan, madaxa ha laga gooyo intay hadda dhaciif yihiin. I saw ten cell phones that could have possibly been part of IED devices. Lives saved! mA on the folks that made this happen! I am sure it started with a vigilant civilian who alerted the authorities.

Share this post


Link to post
Share on other sites

all i saw were mobile phones, power converters and food?? unless they gonna use the mobile phones to blow up bags of rice...sit back down.. funny people...:cool:

 

riwayad focol riwayad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

The Hermet;796425 wrote:
all i saw were mobile phones, power converters and food?? unless they gonna use the mobile phones to blow up bags of rice...sit back down.. funny people...:cool:

 

riwayad focol riwayad.

IEDs, lives were saved. Seriously grow up man.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this