Dr_Osman Posted February 28, 2012 LONDON: Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu hogaaminayey oo ka dhoofay London February 27, 2012 1:18 pm GMT - Written by PP - Edited by PP London: (pp)- Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa Saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada london, iyagoo ku sii jeeda deegaanada Puntland ee soomaaliya. Madaxda Puntland oo ka dhoofay London Wafdiga dowlada Puntland ee soomaaliyeed ayaa dalka Ingiriiska kaga qayb galay shirkii 23-kii bishan ka dhacay magaalada London , kaas oo looga hadlayey arrimaha soomaaliya. Madaxweyanaha iyo Wafdigiisa ayaa intii ay joogeen London waxay kulamo kale la yeesheen amsuuliyiin ka tirsan dalka Ingiriiska iyo Jaaliyadaha Puntland ee Qurba-joogta ah ee W/ameerika iyo Yurub, kuwaas 3 casho oo Work shop ah uga socday magaalada London. Kulankaas Work shop-ka ah ayaa Qurbajoogta Puntland waxay ku casumeen Wakiilka QM ee arrimaha Soomaaliya Agustina Mahiga , isagoo Jaaliyadaha Puntland ku baraarijey inay si xoogan uga qayb qaataan horrumarinta iyo nabadgelyada deegaanada Puntland , wuxuuna kaloo Mahiga Jaaliyadaha ku baaraariyey inay muujiyaan ka qayb qaadashada iyo wadajirka iyo soonoolaynta soomaaliya, maadaama Puntland ay ka mid tahay deegaan soomaaliyeed oo Role Model u ah soomaaliya inteeda kale , maadaama go’aanadii taariikhi ahaa ee Garoowe1 iyo Garoowe2 ay ka soo baxeen barnaamijka la doonayo in lagu dhameeyo dowlada kumeel-aagrka ah ee hadda jirta. Daabacaadda: Puntlandpost.com Quote Share this post Link to post Share on other sites