Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

President sheikh sharif Ethiopian troops will leave when they accomplish their mission

Recommended Posts

*

Madaxweyne Shiikh Shariif oo sheegay in ciidamada Itoobiya ay baxayaan marka ay howgallada dhameeyaan *

 

 

Isniin, Feberaayo 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay markii ugu horreysay in ciidamada Itoobiya ee DKMG ah ka taageeraya dagaallada lagula jiro Al-shabaab ee ka socda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay dib ugu laaban doonaan dalkooda markii howlgalladooda dhameeyaan.

 

Sheekh Shariif ayaa hadalkan ku sheegay shir jaraa'id oo uu shalay ku qabtay Muqdisho, isagoo sheegay in goobaha ay ciidamada Itoobiya qabsadaan ay kala wareegi doonaan ciidamada AMISOM, markaasna ay dalka ka bixi doonaan.

 

"Go'aankii golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ay ku kordhiyeen tirada AMISOM waxay fursad u tahay dowladda, waayo ciidamadaas waxaa la geyn doonaan deegaanada laga qabsaday Al-shabaab," ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif.

 

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladdiisu ay dhawaan dalka oo dhan ka saari doonto Al-shabaab, isagoo xaqiijiyay in ciidamada dowladda ee ka dagaalamaya Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay taageerayaan ciidamada Itoobiya.

 

Ciidamada Itoobiya ayaa waxay sannadihii 2007 - 2008 ku sugnaayeen Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood, waxayna dagaallo adag la galeen Maxkamadihii Islaamka oo uu xilligaas hoggaaminayay madaxweynaha hadda Sheekh Shariif oo xilligaas sheegay in kaaraha Itoobiya aan dal lagu qabsan karin.

 

Dhanka kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in tallaabo adag laga qaado ciidamada dadka shacabka ah dhibaateynaya, isagoo xusay in askari walba oo dambi gala la horkeeno maxkamad, si sharciga loo mariyo.

 

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu sheegay in gobollada iyo degmooyinka laga saaro Al-shabaab loo sameyn doono maamullo, isagoo xusay in tani ay qayb ka tahay dadaallo ay dowladdu ku doonayso inay adkeyso ammaanka goobahaas.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Zenawi doesn't call the shots, he's merely a foot soldier and when his services are no longer required he will be tossed aside like a used condom, no more no less.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this