Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Minister Of International Cooperation 3 Year Vision. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Garoowe:Qorshaha Sadexda Sano ee Soosocota ee Wasaaradda Qorshaynta puntland oo Maanta si rasmi ah losoo bandhigay…(Sawiro).

 

26. february 2012

APL

 

Garoowe ( Allpuntland) : Qorshaha Sadexda Sano ee Soo socota ee Wasaaradda Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Lagu Maamulidoono ayaa Lagu soo Bandhigay Shir Balaaran oo ka Furmay Xarunta Wasaaradda ee Garoowe ,Waxaana kasoo Qaybgalay Wasaaradaha Bahwadaagta la ah Wasaaradaan Qorshaynta ,Waaxyaha Wasaaradda iyo Masuuliyiin kale.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ah ee Dawlada Puntland Dr.Faysal Siciid Muuse (Faysal Siciid Dheere) ayaa ugu Horayntii ka Warbixiyey ujeedada kulankan oo uu Sheegay in Looga Golleeyahay Sidii loo Meelmarin lahaa Qorshaha 3 sano ee soo socda ee Wasaaradda lagu Maamuli lahaa isagoona sheegey in Qorshahani uu ka balaaranyahay kana waxqabad badnaan doono kuwii hore.

 

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga puntland Daa’uud Maxamed Cumar oo si Rasmi ah u Furay kulankan ayaa Xusay in ahmiyad wayn ay u leedahay Horumarinta Qorshahan wasaaradda,Daauud ayaa sidoo kale ku Booriyey ka Qaybgalayaashu in ay ku biiriyaan Taladooda iyo Fikirkooda Qorshahaan si uu u noqdo Wax mira dhal la Taaban karo ay kasoo Baxdo.

 

Wasiirku waxaa uu Carabka ku Dhuftay in uu soo Maray Marxalado kala Duwan iminkana ay diyaariyeen La taliyayaasha Wasaaradda oo Waqti Balaaran Geliyey sidii loo Heli lahaa Qorshe ku Haboon wasaaradan, kaasi oo ay ku dhexjiridoonaan ,sida ay u shaqayndoonto wasaaradani ,Hay,adaha Caalamiga ah sidii ay ula Shaqayn lahayd iyo Waliba Wasaaradaha ay wada shaqaynta laleedahay.

 

Kulanka ayaa socondoona Mudo 3 Cisho ah iyadoo looga Doodi doono Qorshaha Sadexda Sano ee Soo socota Lagu Dhaqidoono Wasaarada Qorshaynta ,iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga ah.

 

Xafiiska Wararka ee Allpuntland Garoowe.

 

421784_394773253882622_100000498535300_1

429796_394771753882772_100000498535300_1

425952_394772307216050_100000498535300_1

404873_394773003882647_100000498535300_1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this