Dr_Osman Posted February 27, 2012 Garoowe:Qorshaha Sadexda Sano ee Soosocota ee Wasaaradda Qorshaynta puntland oo Maanta si rasmi ah losoo bandhigay…(Sawiro). 26. february 2012 APL Garoowe ( Allpuntland) : Qorshaha Sadexda Sano ee Soo socota ee Wasaaradda Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Lagu Maamulidoono ayaa Lagu soo Bandhigay Shir Balaaran oo ka Furmay Xarunta Wasaaradda ee Garoowe ,Waxaana kasoo Qaybgalay Wasaaradaha Bahwadaagta la ah Wasaaradaan Qorshaynta ,Waaxyaha Wasaaradda iyo Masuuliyiin kale. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ah ee Dawlada Puntland Dr.Faysal Siciid Muuse (Faysal Siciid Dheere) ayaa ugu Horayntii ka Warbixiyey ujeedada kulankan oo uu Sheegay in Looga Golleeyahay Sidii loo Meelmarin lahaa Qorshaha 3 sano ee soo socda ee Wasaaradda lagu Maamuli lahaa isagoona sheegey in Qorshahani uu ka balaaranyahay kana waxqabad badnaan doono kuwii hore. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga puntland Daa’uud Maxamed Cumar oo si Rasmi ah u Furay kulankan ayaa Xusay in ahmiyad wayn ay u leedahay Horumarinta Qorshahan wasaaradda,Daauud ayaa sidoo kale ku Booriyey ka Qaybgalayaashu in ay ku biiriyaan Taladooda iyo Fikirkooda Qorshahaan si uu u noqdo Wax mira dhal la Taaban karo ay kasoo Baxdo. Wasiirku waxaa uu Carabka ku Dhuftay in uu soo Maray Marxalado kala Duwan iminkana ay diyaariyeen La taliyayaasha Wasaaradda oo Waqti Balaaran Geliyey sidii loo Heli lahaa Qorshe ku Haboon wasaaradan, kaasi oo ay ku dhexjiridoonaan ,sida ay u shaqayndoonto wasaaradani ,Hay,adaha Caalamiga ah sidii ay ula Shaqayn lahayd iyo Waliba Wasaaradaha ay wada shaqaynta laleedahay. Kulanka ayaa socondoona Mudo 3 Cisho ah iyadoo looga Doodi doono Qorshaha Sadexda Sano ee Soo socota Lagu Dhaqidoono Wasaarada Qorshaynta ,iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga ah. Xafiiska Wararka ee Allpuntland Garoowe. Quote Share this post Link to post Share on other sites