NASSIR Posted February 26, 2012 Garoowe;(SPR) Xuska maalinta loo aqoon saday inay tahay afka hooyo iyo dhaqankii suubanaa ee soomaaliya 21-febraayo ayaa lagu qabtay magalada garoowe xarunta Dowlada Puntland,waxaana soo qaban qaabiyay Gudiga horumarinta afka hooyo ee Puntland. Munaasibadaasi lagu xusayay maalinta afka hooyo ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxwayne ku xigeenka Puntland ahna siihaya madaxwayne Gen.Cabdisamad Cali Shire,Gollayaasha dowlada iyo marti sharaf kale oo isigu jira rag iyo dumar. Waxaana madasha lagu xusayay maalintaasi qaaliga u ah shacabka Soomaaliyeed lagu soo bandhigay heeso ,murti iyo gabayo ka turjumaya afkeenii wanaagsanaa ee mudo 21-sano ah darsoomay waxaana kooxda Waabari Puntland ay soo bandhigeen heeso cajiib ah oo xanbaarsan dareen dhaqan iyo af, kuwaasi oo ka turjumayay sida dadka somaaliyeed looga baahan yahay inay kor u qaadaan dhaqankooda iyo afka soomaaliya. Halkan ka dhageyso Barnaamij qaas ah oo ay soo diyaarisey Idaacada Bulshada Soomaaliyeed Quote Share this post Link to post Share on other sites