Sign in to follow this  
Dr_Osman

Bosaso Manufacturing Union Established. PICS AUDIO

Recommended Posts

Dr_Osman   

Dallad ay ku bahoobeen wershedaha Puntland oo Boosaaso looga dhawaaqay [Codad+Sawiro]

 

Updated:- 1 min ago| 0 Commnets

 

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta looga dhawaaqay urur ay ku bahoobeen wershedaha ka jira Puntland.

 

Munaasabadii ururkan lagu daah furayey oo ka dhacday xarunta rugta ganacsiga iyo wershedaha Puntland ee Boosaaso ayaa waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, maamulka rugta, iyo ganacsato badan.

 

Madaxdii munaasabadaas kasoo qayb galayna waxaa kamid ahaa wasiiru dowlaha ganacsiga ee Puntland Maxamuud Faarax Beeldaaje, gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo wershedaha Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim, ku-xigeenadiisa Siciid Xuseen Ciid, Maxamed Caydiid Jaamac, iyo xoghayaha guud ee rugta Axmed Ciise Maxamuud.

 

Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay xoghayaha guud ee rugta ganacsiga Axmed Ciise Maxamuud wuxuuna ka warbixiyey qaabkii lagu soo doortay gudoonka sare ee ay dalladaasi yeelanayso iyo inta xubnoond ee ay ka kooban yihiin.

 

Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim oo intaas kadib hadalka qaatay ayaa sheegay inay wax lagu farxo tahay in wershadaha Puntland ay yeeshaan dallad ay ku bahoobeen taasina ay horseedi doonto in Puntland ay hurmar dhanka dhaqaalaha ah oo weyn ku talaabsato.

 

Cabdifataax Jaamac Nuur oo isaga loo doortay gudoomiyaha dallada ganacsatada wershedaha ee Puntland ayaa isna sheegay in dalladan cusub ee al sameeyey ay noqonayso mid wax badan tarta maadaama laga soo bilaabo xiligii ay dowladdii dhexe burburtay uusan jiran nidaam mideysan oo isku xira wershedaha dalka ka jira.

 

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee rugta ganacsiga Puntland Siciid Xuseen Ciid oo kamid ahaa mas’uuliyiintii munaasabadaas ka hadlay wuxuu ka warbixiyey faa’iidada ay wershaduhu leeyihiin maadaama ay kaalin weyn ka qaataan wax soo saarka dalka arintaas oo uu mudane Ciid tilmaamay inay tahay midda ay dunidu ku kala hor martay.

 

Cabdiladiif Yuusf Barre oo kamid ah asaasayaashii rugta ganacsiga kuna jira ganacsatada ugu waaweyn Puntland ayaa isna ku booriyey gudoonka cusub ee ururka wershedaha inay ku dadaalaan sidii ay xilka la saaray uga soo dhalaali lahaayeen, isagoo intaas raaciyey in ganacsatada ay tahay inay qayb weyn ka qaataan horumarka guud ee bulshada.

 

Wasiiru dowlaha ganacsiga ee Puntland Maxamuud Faarax Beeldaaje oo gaba gabadii hadalka qaatay ayaa ku dheeraaday sida ay dowladdu dadaalka dheeriga ah ugu bixiso harumarinta dhaqaalaha, isagoo intaas raaciyey in inta badan ganacsatadu ay cashuurta ka cawdaan, cashuurtuna ay tahay waxa keliya ee horumarka dalku ku imaan karo.

 

Waa markii ugu horeysey ee Puntland laga sameeyo dallada ay wershaduhu ku mideysan yihiin, waxaana gudoonka sare ee maamulka ururkaas loo doortay ay kala yihiin sidan:

 

Gudoomiye: Cabdifataax Jaamac Nuur

Gudoomiye ku-xigeen 1: Maxamuud Maxamed Jaamac (Carab)

Gudoomiye ku-xigeen 2: Khaalid Xasan Cali

 

Horseed Media

Boosaaso

 

Audio

http://horseedmedia.net/2012/02/26/dallad-ay-ku-bahoobeen-wershedaha-puntland-oo-boosaaso-looga-dhawaaqay-codadsawiro/

 

Dalladda-wershedaha-Puntland-1.jpg

Dalladda-wershedaha-Puntland-2.jpg

Dalladda-wershedaha-Puntland-4.jpg

Dalladda-wershedaha-Puntland-5.jpg

Dalladda-wershedaha-Puntland-9.jpg

Dalladda-wershedaha-Puntland-10.jpg

Dalladda-wershedaha-Puntland-14.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Ok this is good progress, the manufacturing sector in Bosaso is united a regulatory lobby that will enhance competition and cooperation between manufacturers. For example why have 3 fish can factories, when we can diversify? this sort of lobby can achieve that through cooperation of factory owners on what the nation needs and where to invest.

 

I believe this also should expand and we really in dire need of an electricity regulator so that electricity companies do not just throw wires around poles and follow best practises however this can only be achieved through a united regulatory body that can enforce these standards upon electrcity providers.

 

The direction the state is going is good and indicates future growth and progress. Manufacturing union is established, banking services are there, port activity is booming, infrastructure building is occuring especially with roads which will enhance further activities in the city, the oil is being drilled and major oil firms are in negiotation to set up pipelines and refineries. So the environment for progress is definitely there and Puntland is ready to move on from war to prosperity, come on aboard guys or be left behind its up to you

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Excellent union, I hope more are made throughout the region and have a strong connection with the government for more coordinated and efficient work.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this